Agaasimaha Guud ee Komishanka Tacliinta Sare oo Kormeer ku Maray Jaamacadaha Gobollada Galbeedka Somaliland

Hargeysa (GNN)- Md. Ilyaas Faarax Xasan Agaasimaha Guud ee Guddiga Tacliinta Sare oo hoggaaminaya wefti ka kooban madax-waaxeedyada komishanka, ayaa Socdaal shaqo ugu baxay gobollada Galbeedka dalka, waxaanay kormeer ku mareen Jaamacadaha ku yaalla magaalooyinka Boorama iyo Gabiley.

Socdaalka Agaasimaha oo qayb ka ah dar-dargelin lagu xoojinayo hawlaha uu Komishanka Tacliinta sare ugu xil-saaran yahay Qaranka, waxa ay hawlahooda shaqo ka bilaabeen magaalada Boorama oo ay kulan isbarasho iyo dhiirrigelin ah kula yeesheen madaxda iyo hawl-wadeennada Xafiiska Komishanka Tacliinta Sare ee Gobollada Galbeedka Dalka.

Agaasimaha Guud waxa uu ugu horeyn warbixinno ka dhegaystay masuuliyiinta Xafiiska Guddiga Tacliinta Sare ee Gobollada galbeedka oo uga warramay xaaladda Xafiiska iyo qaabka ay u gutaan waajibaadka shaqo ee ay qaranka u hayaan.

Warbixinta kaddib, agaasimaha Guud waxa uu masuuliyiinta ku boorriyey culayska ay leedahay masuuliyadda ay Qaranka u hayaan ee ah inay jaamacadaha dalka ku kormeeraan kuna ilaaliyaan heerka tayada waxbarashada iyo siyaasadda xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ee ku wejahan tayeynta Tacliinta Sare ee dalka.

Dhinaca kale, weftiga Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare, waxa ay mid-mid kormeer ugu mareen xarumaha Jaamacadaha ku yaalla magaalada Boorama, halkaas oo ay kulamo gooni-gooni ah kula qaateen madaxda Jaamacadaha Camuud University, Eelo University, Horn University, Alpha iyo Adal University oo ah jaamacad bixisa Culuumta caafimaadka.
Kulamada oo ku qabsoomay xarumaha Jaamacadahan oo uu ugu tagay, waxa uu Agaasimaha Guud ku boorriyey madaxda jaamacadaha inay sii xoojiyaan tayada waxbarashada ay bixiyaan kuna ilaaliyaan heerka looga baahan yahay Tayada waxbarashada heerka jaamacadeed isla markaana ka foogaadaan inay hawl-galiyaan ama qaataan dad aanay aqoontoodu gaadhsiisnayn heer Jaamacadeed.

Sidoo kale, waxa uu Agaasimaha kormeer ku maray Cusbitaallo ay Jaamacadaha Camuud iyo Adal University kuwaas oo ay ka hawl-galaan dhakhaatiir ka aflaxay jaamacadahaas iyo dhakhaatiir kale oo Ajaaniib ah.

Intaas kaddib, weftiga Agaasimaha Guud oo ku gudo-jira Kormeerkooda gobollada Galbeedka, waxa ay u soo kicitimeen dhinaca magaalada Gabiley, waxaanay kormeer Indho-indhayn ah iyo kulamo isbarasho la yeesheen qaar ka mid ah madaxda Jaamacadaha ka hawl-gala Gobolka Gabiley sida Timo-cadde University iyo Gollis University.

Is-barasho kaddib, waxa uu agaasimaha Guud madaxda Jaamacadaha ee kulanka goob-joogga ka ahaa kula dardaarmay inay xoojiyaan tayada waxbarashada ay bixiyaan, waxaanu u ballan-qaaday inay Guddi ahaan xoojin doonaan Xidhiidhka wada-shaqayneed ee ka dhexeeya Jaamacadaha kuna ilaalin doonaan tayada waxbarashada iyagoo fulinaya siyaasadda xukuumadda ee ku wejahan tayada Tacliinta sare ee dalka.

Agaasimaha guud ayaa kulammada uu la qaatay madaxda Jaamacada ku xusay inay jiraan Jaamacado bixiya culuumta kulliyado aanay shuruudahooda buuxinin ama ka hooseeya heerkii looga baahna tayada Tacliinta Sare ee dalka, sidaas awgeed ay Komishan ahaan ka qaadi doonaan tallaabooyin ku habboon.

Kormeerka oo qaatay muddo laba maalmood ah, ayaa daba-socday kormeer uu toddobaadkii hore ku soo maray Jaamacadaha ku yaalla Gobollada Bari ee dalka, gaar ahaan Saaxil iyo Togdheer.