Daawo-Muuqaal Aan Indhuhu Jeclaysan “Waa Sidee Wadada Isku Xidha Kastamka Kalabaydh iyo Degmada Gabiley”…Khatarta Ay Gaadiidku Kala Kulmaan.

Wajaale(GNN):-Wadada  Ka Baxda Degmada Gabiley ee U Baxda Gobolada Kale ee Galbeedka, Ayaa Waxaa Bulshada Kala Duwan ee Socodka Ku Maraan Dhibaato baaxda lehi kasoo Waajahda Marka Laga Baxo Gabiley Ilaa Inta La gaadhayo Kastamka Kalabaydh oo Ah Xarumaha ugu Waaweyn ee Dakhli soosaarka Dalka Ka Labaad.

Waxaana Dhaqaalaha ugu Badan ee Kasoo baxa Kastamkan magaalada kalabaydh oo Ah Dhaqaalaha Inta Badan kasoo Baxa Cashuuraha Qaadka iyo Alaabaha kale ayaa Maalin kasta Waxaa Lagu Shubaa Xarunta baanka Gabiley Xadhiga lacag Ka badan ilaa Lix Boqol oo milyan Somaliland shilin ah,

Waxaa Damiirka Qof kasta oo Inuun Socod Ku maray Inta u Dhaxaysa gabiley iyo Kalabaydh Dareemi karaa In Dakhliga kasoo gala gobolka gabiley Kastaamka uu ka aradanyahan Wadada maalinwalba Baabuurta lagusoo dhaafiyo Dhaqaalaha kasoo baxaa ay adag tahay sida ay ku maraan.

Inta la ogyahay Waxaa Jiray Shilal kala Argagax Badnaa oo ka Dhacday Wadadaasi u Dhaxaysa Gabiley iyo kalabaydh oo ay Sabab u ahaayeen Khatarta Gododka iyo burburka Wadadaasi Soo gaadhay oo Qaarkood Aad Moodo in Gacmaha lagu Qoday.

Waxaa Shacabka Kala Duwan ee Subax kast Gaadiidka Ku maraa is Waydiinayaan Wadadan Cida U maqan iyo Masuuliyiinta Hagraday hawshan.

Sidoo Kale Shacabka Ku Nool Magaalada Kalabaydh Ayaa Iyaguna ka Rajo Dhigay Dhaqdhaqaaqo kala Duwan oo Inuun Dhinaca baahiyaha Arrimaha bulshada Kasoo Gaadhi jiray Gobolka gabiley.

Halkan Ka Daawo Muuqaalkan Oo  Aan Indhaha Qofka Damiirka Lihi Jeclaysan Karin.