Hargeysa (GNN):- Lix dal oo ku yaalla gacanka cadmeed iyo Badda Cas oo dhowaan samaystay xulafo uu Sucuudigu aasaasay, ayaa carbiskoodii u horreeyey ee millatari ka bilaabay badda Axadii toddobaadkan, siday werisay Wakaallada Wararka Sucuudiga ee SPA.
Dalalka Tababarkani kulmiyey waxay kala yihiin Sucuudiga, Egypt, Jordan, Sudan, Yemen iyo Djibouti. waxa kaloo ka qayb qaatay wakiillo ka socday dawladda Federaalka Soomaaliya.
“Carbiskani waxa looga gol leeyahay in lagu adkeeyo ammaanka dalalka badda cas iyo sidii loo ilaalin lahaa marin biyoodka iyo iskaashiga millatati ee dalka xulafada ah,”sidaasna waxa yidhi Janaraal Saqr bin Mohammed al-Harbi oo ka tirsan masuuliyiinta ciidanka xeebaha Sucuudiga, waxaanu intaas ku daray In tababarkani uu socon doono ilaa Khamiista toddobaadkan.
GABILEY.NET