Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdilaahi Deniย ayaa ka hadlay dilkiiย iyo kufsiga loo geystay Caasho Ilyaas Aadan oo ahayd 12 sano jir ku nool magaalada Gaalkacyo.
Madaxweyne Siciid Cabdilaahi Daniย Waxa uu sheegayย ย in falkaas aad uga xunyahay, isaga oo sheegay in hayโadaha ammaanka ka rajeynayo in ay gacanta kusoo dhigaan dadkii falkaasi sameeyey sharcigana lahor keeno .
โWaxaa soo badanaya dhaqamo iyo caado aad u xun, oo aad moodid in ay dib inoogu celinayaan wixii aan kasoo gudubnay, dadkii aan rabnay inaan karaameyno oo aan hormar la rabay in la gaaro, dadkii aan ku tuhmyenay iney aqoontooda iyo ilbaxnimadooda korortayโฆwaxaa socda dhaqamo aad u xun oo naxdin lehโฆwaxaan rajeeneynaa in dowladda tallaabo adag ka qaadi doonto cid walbo oo ku xadgudubta karaamada biniโaadamkaโ.
Caasho Ilyaas Aadanย ayaa saacado ka maqneyd hoygooda magaalada Gaalkacyo , waxaana kadib meydkeeda lasoo dhigay bannaanka gurigooda xilli habeen ah waliba iyada oo lasoo kufsaday si xunna loo jir dilay.
Halkan Ka Daawo.