Degdeg: Guddoomiyayaashii Gobolka Maroodi Jeex Iyo Degmada Hargeysa Oo Xilka Laga Qaaday Iyo Garsoorayaasha Xilalkaasi Loo Magacaabay

Hargeysa (GNN)- Guddoomiyayaashii Maxkamadaha Degmada Hargeysa iyo Gobolka Maroodi Jeex Cabdirashiid Beergeel iyo Axmed Dalmar Ismaaciil (Halac) ayaa xilka laga qaaday iyada oo loo magacaabay Maxkamadahaasi laba Garyaqaan oo kale.

Ilo-wareedyo u dhuun-daloola warkan oo shabakadda wargeyska Foore soo gaadhay waxa ay intaasi ku darayaan in Xil-ka qaadistan iyo Magacaabistan oo ay soo saareen Guddida Caddaaladda qaranka oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland waxa Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex loogu magacaabay Garsoore Yaxye Xuseen Yuusuf Halka Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa loogu magacaabay Garsoore Cabdi Qawdhan Cabdi.

Isku-shaandhayntan ayaa soo baxday saaka wakhti inta badan cabasho badan dadku ka muujin jireen Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex Axmed Dalmar Ismaaciil kaasi oo gaar ahaan lagu xasuusto xukunnadii caddaalad darrada ahaa ee uu kula kici jiray Saxaafadda Madaxa bannaan ee Somaliland.

GABILEY.NET