Golaha Milatariga Suudaan Oo Xabsiga Dhigay Labbo Xubnood Oo Ka Mid Ahaa Hogaanka Banaanbaxayaasha

Ciidamada Amiga ee Sudan ayaa xabsiga dhigay laba hogaamiye oo mucaaridka ah wax yar uun ka dib markii ay kulan Dhex-dhexaadin ah la qaateen Raysal Wasaaraha Ethiopia Dr. Abiy Axmed.

Hogaamiyayaashan la xidhay ayaa kala ah Mohamed Esmat oo dibad baxayaasha hogaaminayay, iyo hogaamiyahii jabhada xorayta Suudaanta Waqooyi SPLM-N Md. Ismaaciil Jalab.

Maxamed Esmat ayay wararku sheegayaan in ay ciidamada Amnigu Xidheen Jimcihii, waxyar kadib markii uu ka soo baxay kulankii dhexdhexaadinta ee Dr. Abiy Axmed, halka ay Ismacil Jalab ciidamada Amnigu Subaxnimadii Sabtidii ka soo xidheen gurigiisa.

“Ciidan hubaysan ayaa abaaro 1dii Duhurnimo yimid guriga Ismail Jalab, hore ayayna u kaxaysteen, iyaga oo aan tusin wax waaran maxkameed ah” ayuu yidhi rashid Anwar oo ah kaaliyaha hogaamiyahan la xidhay, waxana uu intan ku daray in Afayeenkii Jabhadan SPLM-N Mubaarik Ardol isagana ay boolisku halkaas ka wateen oo ay xidheen.

Labadan hogaamiye ee Esmat iyo Jalab ayaa ahaa hogaamiyaashii Isbahaydiga Xoroiyada iyo Isbedelka oo qayb ka ahaa qaban-qaabiyayaasha Mudaharaadada ka socda dalkaas tan iyo bishii disambar ee sanadkii Tagay.

Xadhiga hogaamiye Jalab ayaa waxa uu imanayaa maalin kadib markii ay boolisku xabsiga dhigeen Kuxigeenkiisii Yasir Arman oo ay isagana ka qabteen gurigiisa oo ku yaala Khartuum.

GABILEY.NET