Gudoomiye Ku Xigenka Wajaale Ayaa Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Ka Tacsiyadeeyay Geerida Ku Timiday Hooyadii

Inaalilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajacuun

Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Wajaale Ee Gobolka Gabiley Mudane Mursal Nuux Cismaan. isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Maamulka Wajaale, waxa uu tacsi Tiiraanyoleh  u dirayaa qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Reer  Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Indho-deeq Jaamac Cumar oo xalay Oo taariikhdu ahayd 22/12/2019 Ku Geeriyootay Magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Magaalada Burco.

Gudoomiye Ku Xigeenka Mursal Nuux Cismaan  waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ahna gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbi xaakimka Talada Dalka Haya Ee  Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ay hooyadii ahayd marxuumaddu.

Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Wajaale Mursal Nuux Cismaan Ayaa  marxuumada Illaahay Uga baryayay  inuu naxariistii janno ka waraabiyo Jano Fardawsana Ku Casuumo Kitaabkeedana Midigta Uga Dhiibo Kana Yeelo Illaahay Marti la Jecel Yahay Xabaashana U Waasiciyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacbiga Reer  Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa Illaahay ka siiyo Aamiin Aamiin Aamiin.

Alle Mahadleh

Gudoomiye Ku Xigeenka  Wajaale

Mursal Nuux Cismaan