Imaaraadka Carabta Iyo Israel Oo Kulan Ku Yeeshay Aqalka Cad Ee Maraykanka

Kulan qarsoodi ahaa oo looga hadlayay arrimaha Iiraan iyo sidii loo heli lahaa heshiis aan dagaal ku salays-nayn, deggenaansho iyo xasiloonina u beddela Bariga dhexe ayaa waxa uu ka dhacay Aqalka cad ee Dalka Maraykanka,

Kulanka oo dhex maray Dowladaha Maraykanka, Israa’iil iyo Imaaraadka, ayaa ahaa mid laga qariyay saxaafadda, balse xogo hoose oo laga helay shirka ay xaqiijiyeen inuu ahaa kulan ka dhan ah Iiraan, sida ay sheegtay Wakaaladda wararka Axios ee laga leeyahay dalka Maraykanka

Dawladda Imaaraadlka Carabta ayaa loo soo jeediyay inay si dhow Maraykanka iyo Israa’iil ugala shaqayso arrimaha Iiraan iyo guud ahaan Bariga dhexe, si loo fududeeyo xiriirka u dhexeeya Israel iyo Dalalka Carabta.

Shirka ayaa waxaa Saddexda Dowladood u kala matalayay Sarkaal sare oo ka socdan Aqalka cad ee Maraykanka, Xoghayaha Wasaaradda arrimaha dibedda Israa’iil iyo Safiirka Imaaraadka u fadhiya Dalka Maraykanka.