Wiil Dhalinyar ah Oo Muqdisho Ku Sameeyey Mashiinka Neefta Siiya Qofka Bukaanka ah.

Muqdisho(GNN):-Iyadoo Soomaaliya uu aad ugu yar yahay qalabka neefta siiyo Bukaanada naqaska ku dhagoee loo yaqaan Ventilator , ayaa waxaa qalabka neefta sameeyey wiil dhallinyaro ah oo Soomaali ah.

Wiilkaan oo lagu magacaabo Maxamed Caddaawe ayaa sheegay inuu qalabkaan ugu talagalay dadka uu soo ritay cudurka Coronavirus ee dhibaatada ku qabo inay helaan qalabka neefta siiyo dadka.

Wiilkan ayaa sheegay inuu arrintan ku howlanaa muddo 20 maalmood markii uu maqlay wiil aabihiis Oxygen la’aan ugu geeriyooday Muqdisho.

Qalabka uu wiilkaan sameeyey ayaa ah qalab Manual ah oo aan u baahneyn inay dadku riixaan, taasoo si weyn loo soo dhoweeyay.

Qaar ka tirsan dhaqaatiirta Muqdisho ka howlgalo ayaa sheegay inuu qalabkaan yahay mid si weyn u anfacayo dadka Soomaaliyeed, waxayna isbitaalada qaar ku dhawaaqeen inay isticmaali doonaan qalabkaan.