Aadan Jaamac Oogle oo ka mid ah suxufiyinta gobolka Sool ayaa dhaawac xabad ah loogu geystey magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool xalay maqribkii .
Suxufigan ayaa laba xabo ay kaga dheceen garabka bidix iyo gacanta, waxaana lagu dabiibayaa isbitaalka Gargaar isagoo ay xaaladiisu ka soo raynayso sida ay hawlwadeeno caafimaad sheegeen.
Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya sababta keentay weerarka lagu dhaawacay Oogle iyadoo wararka qaar sheegayaan in muran dhexmaray uu sababay, waxaase ciidanka booliska ay qabteen ninkii falka geystey.
Suxufigan oo haatan aan u shaqayn cidna ayaa ka mid ah kuwa ugu akhlaaqda wanaagsan sida uu Sheegay Faysal Jaamac Aadan oo ah isuduwaha agobolka Sool.