Wasiir laga baaray corona kaddib markii uu ku qufacay gudaha baarlamaanka

Wasiirka maaliyadda ee dalka Australia, Josh Frydenberg, ayaa qufac joogta ah qabtay xilli uu baarlamaanka hortiisa ka jeedinayay khudbad.

Muddo 15 daqiiqa ah ayuu masuulka si joogta ah u qufacayay, taasi oo sababtay in siyaasiyiintii halkaasi ku sugnaa aysan maqal codkiisa.

Qosol iyo xiisad ayey ka dhex abuurtay gudaha aqalka baarlamaanka, iyada oo uu wasiirka agtiisa fadhiyey ra’iisal wasaare Scott Morrison.

Josh Frydenberg, waxa laga baaray cudurka coronavirus balse natiijada baaritaanka ayaa lagu sheegay in wasiirka uusan qaban cudurkan.