Khaliifa Xaftar “jugta ku dhacday waa mid la saadaalinayay muddo dheer”.

Libiya(GNN):-Dhawaan ciidammada dowladda ay Qaramada Midoobey aqoonsan tahay ee Liibiya waxay magaalada Sirte iyo magaalooyiin kale ka qabsadeen Janaraal Khalifa Xaftar, waxaan halkan ku eegeynaa sababaha horseeday in janaralkaas ay xaaladda ku cakirnaato.

Axmed Sheekh Maxamed (Tiir) oo ah khabiir ka faalooda arrimaha caalamka Islaamka iyo Carabta ayaa BBC Somali u sheegay in jugta soo gaartay Xaftar ay tahay mid la saadaalinayay.

“Khaliifa Xaftar jugtan ku dhacday waa jug la saadaalinayay muddo dheerba. Xaftar waa nin ciidaan ah oo ka soo qeyb qaatay inqilaabkii 1969-kii ee Qadaafi uu sameeyay… waa nin caqligiisa aaminsan in inqilaab iyo xoog wax lagu qeybsado.”

Janaraal Xaftar wxuu taageero ka helayay Masar, Ruushka iyo Imaaraadka Carabta, halka dowladda Liibiya ay taageero xooggan ka heleyso Turkiga. Waxayna hadda u muuqataa in “dagaalka lagu kala adkaaday”.

“Liibiya waxaa ku tartamaya quwado faro badan waana lakala adkaaday sida muuqata, hadda dhinac waxaa ka jiray Masar, Imaaraatka, dowladahan Khaliijka oo Sacuudigu kamid tahay iyo Faransiiska iyo Ruushka oo aan aad ugu jirin, dhinacna waa Turkiga iyo dowlado kale oo Reer Galbeed ah iyo Qadar, marka waxaad mooddaa in ugu dambeyn lagu kala adkaaday oo dhinacna Turkiga uu awood xoog leh uu kusoo galay”.

Ciidammada taabacsan dowladda taageerada ka hesha Qaramada Midoobey waxay wadaan howlgallao ay dib ugu qabsanayaan magaalooyin u dhaw caasimadda Tripoli
Image captionCiidammada taabacsan dowladda taageerada ka hesha Qaramada Midoobey waxay wadaan howlgallao ay dib ugu qabsanayaan magaalooyin u dhaw caasimadda Tripoli

Sida ay khubarada aaminsan yihiin, Turkiga iyo Liibiya waxaa u dhexeeyay cilaaqaad soo jireen ah marka waxay tageero xooggan haatan siinaya dowladda Liibiya sidaas darteed waxay horseeday in Janaraal Xaftar laga qabsado dhul badan.

“Turkiga oo xoog ku soo galay Liibiya iyo Xaftar oo aan taageero ka heysan shacabka,” ayaa ku kulmay Liibya, ayuu yiri Axmed Tiir.

Mustaqbalka Xaftar

Baratamihii sannadkii hore waxaa aad u xogeystay awoodda khaliifa Xaftar isagoo gulufyo xooggan ku qaadayay xarunta dowladda ee Tripoli iyo guud ahaan koonfurta Liibiya.

Hadda dowladda Qaramada Midoobay ay taageereyso waxay sheegtay in deegaanno badan ay ka qabsatay ciidammada janaraalka oo ay dib u riixeen.

“Waxaan u maleynayaa hadda in ninkan uu miisaankiisa aad hoos ugu dhacay. XAaladda dagaalka Liibya waxaa lagu dhameyn doono wadahadal laakiin miiska wadahadalka uu soo fariisan doono miisaan weyn kuma yeelan doono Xaftar, haddiiba ay ogolaadaan qolyahan dowladda Liibiya”.

Haatanse waxaa la sheegayaa in Xaftar ay xaaladda ku cakiran tahay iyadoona boqollaal ka tirsan calooshood u shaqeysatayaasha Ruushka ah ee ka garab dagaallamayay ciidamadiisa ay isaga baxeen aagga dagaalka ee koonfurta Tripoli, sida ay wakaaladda wararka ee AFP ka soo xigatay xooggaga dowladda ee Qaramada Midoobay taageersan tahay.

Waa kuma Xaftar?

Janaraal Khaliifa Xaftar oo qayb ka ahaa siyaasadda Liibiya muddo ka badan afartan sanno ayaa wuxuu noqday nin ay warbaahinta caalamka aad u hadal hayeenbillooyinkii lasoo dhaafay.

Khaliifa Xaftar Wuxuu ku dhashay bariga magaalada Ajdabiya, sanadkii 1943-kii.

Xaftar wuxuu ka mid ahaa koox saraakiil ah oo hogaaminaysay duulaankii Korneyl Mucamar Qadaafi uu awoodda kaga qaaday boqor Idris, bartamihii 1969-kii.

Ciidamo ka amar qaata isaga ayaa la wareegay maamulka saldhigyada saliidda ugu waaweyn ee dalkaasi Liibiya, iyadoo ujeedkeedu uu ahaa, in dalalka saaxiibka la ah ay u dhoofiyaan shidaalka uu dalkaasi qaniga ku yahay, waxaana ay saldhigteen magaalada dhinaca bari ku taalla ee Tobruk.

Hogaamiyihii hore ee dalka Libya, Macamar Al Qadaafi ayaa Haftar u dallacsiiyay garaadada ciidanka ugu sarreysa, wuxuuna taliye ka ahaa ciidamada Liibiya ee ka qeyb qaatay dagaalkii dalka Chad ay la galeen sannadkii 1980-kii.

 

Source-BBC somali.