Turkey: Saameynta Cusbooneysiinta Fiisaha Dalxiiska

Dowladda Turkiga ayaa soo saartay xeer muwaadiniinta dalal badan oo waddankaasi dal-ku-galka dalxiiska ah ku galay u diidaya in sanad ka badan degganaashaha loo cusbooneysiiyo. Soomaalida ku dhaqan waddankaasi kama mid ah dadka uu go’aankani qabanayo. Sharcigan ayaa saameeyay muwaadiniin u dhashay dalka Jibuuti oo tiradooda lagu qiyaasay 70 qoys.

Haddaba Jacfar Kukay ayaa Khadka Talefoonka ku wareystay Yaasiin Macallin Cismaan Guddoomiyihii hore ee Jaaliyadda Jabuuti ee dalka Turkiga.