Dawlada Jabuuti Oo Wafti Culus usoo Dirtay Somaliland iyo Meeqaamka Lagu Soo Dhaweeyey.

Hargeisa(GNN):-Dawlada Somaliland ayaa si heersare ah usoo dhaweysay wafti culus oo ka socoda dawlada Jabuuti, waftigan ka socoda dalka jabuuti ayaa ujeedada ay u socodaan warbaahintu heshay inay ka qayb galayaan munaasibada xuska maalinta qaran ee gooni isutaaga madaxbanaanida qaranimada somaliland ee 18may.

Xuska munaasibada 18may Oo Sannadkiiba hal mar lagu qabto Guud ahaan somaliland ayaa ah munaasibad balaadhan oo qaranka somaliland ku muujiyo cududiisa madaxbanaanidiisa, halka maanta uu joogo oo ay kasoo wareegtay markii ay dariiqa horumarka u dhaqaaqday somaliland muddo sodon sano ahi.