Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo Maanta Xadhiga Ka Jaray Qalab Casriya Oo Lagu Soo Kordhiyey Dekeda Caalamiga ah ee Berbera.

Berbera(GNN):-Maareeyaha Dekedaha Somaliland Mudane Siciid Xassan C.laahi ayaa Maanta Xadhiga ka jaray qalab cusub oo lagu ogaanayo badeecadaha kala duwan ee ku jira koontiinarada kasoo dega dekeda caalamiga ah ee berbera.

Maareeyahaha Dekedaha Somaliland ayaa kadib markii uu xadhiga ka jaray adeegan ka waramay faaiidada ugu jirta qaranka somaliland iyo badeecadaha kala duwan ee kasoo dega dekeda caalamiga ah ee Berbera, waxaanu sheegay sheegay inay arrintani ay qayb ka tahay horumarka baladhan ee qaranka somaliland uu maalinba maalinta ka danbeysa uu ku talaabsanayo isagoo ka waramay faaiidada uu adeegani u yeelan doono ganacsatada ka duwan ee badeecadaha kala soo degta dekeda berbera iyo shaqada uu u qaban doono qaranka somaliland.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo Arrintaasi Faahfaahinaya.