Qodobo Ka Soo Baxay Shirkii Gudida Ruqsad Bixinta & Anshaxmarinta Qareenada Somaliland iyo Qodobo Laga Soosaaray Ajandaha Kalfadhigoodaasi.

Qodobo Ka Soo Baxay Shirkii Gudida Ruqsad Bixinta & Anshaxmarinta Qareenada Somaliland iyo Qodobo Laga Soosaaray Ajandaha Kalfadhigoodaasi.

Gudida Ruqsad Bixinta iyo Anshaxmarinta Qareenada Somaliland ayaa maanta shirkii ay yeesheen gudidu kasoo saaray Qodob la xidhiidha hawlaha xafiiska iyo hirgalinta Hawlaha Shaqo ee xafiiska iyadoo la raacayo Xeerka Qareenada Somalilan Xeer lr.30/2024 Shirkan oo Daba Socday Kulanadii ka Horeeyey Ee Gudida Rusqad Bixinta iyo Anshax-marinta Qareenada JSL , ayaa Maanta oo Taariikhdu ahayd 31-July 2024-ka qabsoomay Hoolka Shirarka ee xafiiska, Shirkaasi oo uu gudoominayay Gudoomiyaha Gudidu ,
Ayaa Waxaa Guddida Loogu Qaybiye Qabyo-Qoraalka Xeer-Hoosaadka Guddida iyo Habraaciisa oo Kaas oo lagu kala Qaatay in lasoo Naaqisha Waaxana Shirka dambe Loo balamay Dhamaystirka Xeerhoosaadka Gudida Rusqad Bixinta iyo Anshax-marinta Qareenada JSL. Iyo Habraaca Xeerkaasi.
Waxaa kale oo ay Guddidu Maanta Imtixaan ka Qaaday Xubno Cusub oo Soo Codsaday Ruqsada Qareenimo Sidookale Waxay Guddidu Go’aano ka Gaadhay Dacwado Horyaalay Xafiiska Guddida.
Shirkaasi Waxa ka soo qayb galay Xubnaha Gudida ee magacyadoodu yihiin

1. Gudoomiye Maxamed Cismaan Almis (Cigaal)
2. Xoghaye Muxiyadiin Maxamed
3. G/xigeen Cabdirisaaq Cismaan Aw Cali
4. Agaasime Saleeban cabdi Axmed