Wafti balaadhan oo ka socda dalal badan oo kamida deeq bixiyayaasha beesha caalamka isla markaana Somaliland ka taageera arrimaha samafalka bini’aadamtinimada ayaa la filayaa inay soo gaadhaaan magaalada Hargeysa ee caasimada dalka Somaliland.
Waxaana la filayaa inay dalka yimaadaan 21-bishan aynu ku guda jirno oo ku beegan maalinka arbacada,waxaana ujeedada ugu wayn ee ay u imanayaan ay tahay sidii ay deeq iyo gurmad deg deg ah usoo gaadhsiin lahaayeen dadka dariska la noqday diifta,daranyada,diihaalka iyo macaluusha ay sababtay abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada gobolada bariga Somaliland.
Gabagabadiina waftigan balaadhan ee imanaya dalka ayaa iskugu jira kuwo ay imaanshahooda qayb laxaadle ka qaaateen madaxwayne Siilaanyo iyo waliba gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna murashaxa Madaxwayne ee xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro oo wakhti xaadirkan ku sugan magaalaa Nairobi ee dalka Kenya kulamo-na la qaatay safiirada dalal badan oo dunida kamid ah una fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya isla markaana kala hadlay sidii ay qayb laxaadle uga qaadan lahaayeen gurmadka iyo taakulaynta dad ay abaaruhu saameeyeen.