Hargeysa(GNN)-Wararka hadda naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Buuhoodle soona gaadhaya ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha ee magaalada Buuhoodle ay hadda ka duulayaan waftigii kooxda Khaatumo uga qayb galayay furitaanka wajiga labaad ee wada hadalka u bilaabmaya dawlada Somaliland iyo kooxda Khaatumo.
Wada hadalkan ayaa la filayaa inuu bilaabmo maalinka barri ah halka ay wararka qaarna sheegayaan inuu la filayo inuu bilaabmo maalinka salaasada ee fooda inagu soo haysa.
Wada hadalkan ayaa lagaga wada hadli doonaa arrimo badan oo xasaasi ah oo ay kamid tahay sidii nabad waarta looga dhalin lahaa gobolada bariga Somaliland ee dagaalada isdaba jooga ahi ka dhacayaan.
Bulshada Somaliland ayaa iyagu aad ugu dhag taagaya qodobada kasoo baxa wajigan labaad ee wada hadalka Somaliland iyo kooxda Khaatumo,iyada oo ay xusid mudan tahay in wajigii hore ee ka dhacay magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya ay kasoo baxeen qodobo dhawr ahi.
Gabiley.Net :Kala Soco wararka Shirkaasi