Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa safar galab caraw ah ugu baxay Gobolka Saaxil gaar ahaan Magaalo Madaxdiisa Berbera.

Berbera(GNN):-Madaxweynaha iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyey deegaamada Dacar-budhuq, Abdaal, Lafa-ruug, Xamaas, Dara-godle  iyo Magaalada Berbera oo ay soo gaadheen makhribkii.

099A0051 099A0052 099A0051

Safarka Madaxweynaha ayaa ah mid shaqo oo uu ugu kicitimay dhinaca gobolada Saaxil iyo Togdheer, waxaana maalmaha soo socda la filayaa in madaxweynuhu mashaariic horleh xadhiga ka jaro kuwo kalena dhagax-dhigo.