Maxaad Ka Ogtahay Xubnaha Ganacsatada Ah Ee Sida Tooska Ah U Taageera Xisbiga Waddani, Dhaqaalaha Ay Ku Bixiyaan iyo Qorshaha Ka Danbeeya.

“Waa Ashqaas Inta Badan Siyaasadoodu Tahay Daaha-Dabadiisa”
Tan iyo mudadii la aas aasay xisbiga mucaaridk ah ee wadani oo ahaa ururkii labaad ee ka soo gudbay Ururadii ku tartamayay sadexda xisbi qaran ee doorashadii dawladaha hoose ayaa marba marka ka danbaysa waxaa isa soo taraysa taageerada u ka helayo shacbiga Somaliland kaasi oo ka duwan habka uu taageerada u raadsanayaa sidii looga bartay asxaabtii hore dalka uga tartantay doorashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka soo qabsoomay oo qaarkood ku guulaysteen, Balse qorshaha xisbiga wadani ayaa ah mid ay iniintiisu tahay qabyaalad iyo aragti salka ku haysa mabaadiid hoosta ka xidhiidhsan. Hadaba waxaa mudooyinkii u danbeeyay oo loolanla asxaabta Somaliland kor u kacay xafiiltan culusina ka dhex bilowday xisbi xaakimka kulmiye iyo wadani oo xilgan ah labada xisbi ee kubadu dhextaalo, Ayaa waxaa safka hore ee ololaha xisbiga wadani lagu arkay xubno ganacsato ah oo caan ka ah Somaliland ,kuwaasi oo sida la sheegay xisbiga wadani ku taageeray hab Beeleed kaasi oo ay kusiiyaan dhaqaale iyo sidoo kale ay sitoosa ugu jiraan sidii ay taageero ugu keeni lahaayeen xisbiga Sidoo kale ganacsatadan ayaa bilaabay in ay hadh iyo habeenba ku hawlan yihiin qorshayaal salka ku haya in ay xataa goobahooda ganacsiga ay ka bilaabaan ololaha Dhanka kale ganacsatadan oo uu hormuud ka yahay mulkiilaha Huteelka Ambasador (Khadar Aadan Xuseen) ayaa waxaa ku weheliya ganacsato ay ka mid yhiin ganacsade Maxamed Baar jeex, ganacsade Maxamed Ibraahim Yasin (Colaad) oo sida xoganahi tibaaxeen isagu ka mida nusdanbeedka xisbiga ahna xubnaha xiligan bilaabay qorshaha ah in la diyaariyo wax kasta oo xisbiga wadani ku heli karo hanashada kursiga dalka ugu sareeya kuwaasi oo qaarkood noqon karaan kuwo qaranka halis ku ah abuuri karana iyo colaad sokeeye. Si kastaba ha ahaatee Waxa Wakhti Xaadirkan Soo Ifbaxeen Shaqsiyaad Ganacsato ah oo Nidaam reernimo ku taageeray xisbiga Waddani.

Waa Qalinkii Garyaqaan
Nuur Cilmi
Cilmi111@gmail.com