Wasiir Sacad Cali Shire Oo Ka Hadlay Dalabka Turkiga Ee Ah In La Xidho Dugsiga Nile Academy Iyo Wada Hadalada Somaliland Iyo Kooxda Khaatumo

Wasiir Sacad oo u waramay Geeska Africa waxa uu sheegay inaanay jirin wax cabasho iyo sharci jabin ah oo ay dawlada Somaliland ku aragtay dugsigaas,sidaas darteed aanay iska xidhi Karin madaama oo uu ku furan yahay sharci.

Wasiir Sacad oo ka hadlaya arrintan waxa uu yidhi “Safiirka Turkigu markii uu yimid dalka waan  maqnaa oo Itoobiya ayaan jirey balse waxaynu nahay dal sharci iyo nidaam leh oo cid gaar ah dantooda iyo maslaxadooda aan ka shaqayn,sidaas oo ay tahayna waxaanu jecelnay oo aanu mar walba ku dadaalnaa inaanu muhiima koowaad siino danta dadkeena iyo dalkeena,wadamada aanu jaarka nahay iyo kuwa caalamkana aanu iyagana xidhiidh wanaagsan la  yeelano oo danta guud ka wada shaqayno,balse dugsiga Nile Academy  waa dugsi sifo sharci ah ku furan oo nidaam sax ah loosoo marey markii la furayey,ardaybaa inoo dhigata oo wax inoo barata cid ka cabanaysana maanu arag,nalooma sheegin markaas marka aanu aragno in aanu dantayada ka shaqaynayn sharciga dalkana uu jabiyo ama uu ka baxo waanu la xisaabtamaynaa sharcigana waanu marinaynaa,balse anaga oo cid gaar ah u danaynayna oo danteena iyo ta ardaydeena iska indho tirayna xidhi mayno,dal baynu nahay oo sharci baynu leenahay oo madaxwayne ayaa dalka ka taliya markaas hadba waxii inooga soo kordha talaabada ugu haboon ayaynu ka qaadaynaa”sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad.

Wasiir Sacad Cali Shire oo aanu wax ka waydiinay in safiirka Turkigu maadaama oo uu dalka yimi inuu raali gelin ka bixiyey hadalkii kasoo yeedhay ee ahaa in wada hadalada somaliland iyo somaliya ee ay dhexda ka yihiin looga dan leeyahay midnimada Somaliya ayaa waxa uu ku jawaabay

“Turkigu wuxuu jecel yahay ma qarsado waxaanu jecel yahay oo mar walba uu ku cel-celiyaa midnimada Somaliland iyo Somaliya  balse isagu gogosha ayuu inoo fidiyay ee marnaba naguma qasbi karo midnimo,waxaana dawlad Turkiga mar kaste aanu leenahay mawqifkayagu waa Somaliland oo noqota dawlad aqoonsi ka hesha beesha caalamka.Maantana waxaanu nahay dawlad kasoo baxday dhamaan shuruudihii looga baahnaa dal,ee idinku gogosha aad fidiseen ku eekaada oo wada hadalada dhex u ahaada”sidaas ayuu yidhi Sacad Cali Shire

Wasiirka arrimaha dibada somaliland Dr Sacad Cali Shire mar uu ka hadlayey wada hadalada Somaliland iyo Khaatumo ayaa waxa uu yidhi

“Wada hadaladan ka dhacay magaalada Addis-ababa waxa uu ahaa wada hadal aad muhiim u ah oo aanu ku faraxsanahay sidii loo wada hadlay iyo waliba qodobadii muhiimka ahaa ee kasoo baxay,waxaanan aad ugu sii faraxsanahay in maanta somaliland mid noqotay is fahan iyo is af-garad wacanina ina dhex maray”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiir Sacad Cali Shire.