Hargeysa: Mashruuc Biyaha xumo-weyne oo rejjo la’aan laga muujiyey.

Wasiirka Wasaarada Biyaha Saleeban Cali Koore oo maanta warbixin siiyey Golaha Guurtida ayaa rejjo la’aan ka muujiyey Mashruuca Biyo soosaarka ee Xumbo-weyne, kaasoo ay dawladda Imaaraadku maal-gelinaysay, isla markaana la doonayey in Koonfurta iyo Bariga Magaalada lagu gaadhsiiyo Biyo nadiif ah.

Halkan ka Daawo:

Deegaamada qorshuhu ahaa in laga waraabiyo Mashruucan ayaan helin Biyaha Qasabada ee ka yimaada Geed-deeble, balse mashruucan laftiisa ayaa ahaa mid dooddiisu soo noqnoqotay.