Kulan Dhex Maraya Raysal Wasaaraha Itoobiya Iyo Madaxweyne Eritrea Oo La Shaaciyey.

Addisababa(GNN):-Weftigii ka socday dawlada Eritrea ayaa maanta dib ugu noqonaya dalkooda ka dib safar ay dhawr maalmood ku joogeen wadanka Itoobiya.

Wasiirka arimaha dibada dawlada Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu ayaa saxaafada dalkiisa u sheegay inay dhawaan kulmi doonaan raysal wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha dalka Eritrea si ay u anba qaadaan wada hadalka labada dal.

Sida uu baahiyey wargeyska Addis Standard, wasiirka arimaha dibada itoobiya ayaa yidhi “ Raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki si dhakhso ah ayey u kulmi doonaan iyada oo sii anba qaadaya wajiga labaad ee wada hadalka u dhaxeeya labada dal.”

Wasiirka arimaha dibada itoobiya ayaa intaas raaciyey “weftigii ka socday dalka Eritrea maanta ayey dib ugu noqanayaan dalkoodii.”