Saddex nin oo walaalo ah oo Muqdisho lagu dilay

Nin hubeysan ayaa maalintii shalay hal goob kuwada diley saddex nin oo walaalo ah, dilka ayaa ka dhacay degmada Kaaraan ee Muqdisho.

Saddexda qof ee la diley ayaa labo kamid ah ahaayeen walaalo, halka kan saddexaad uu dhalay adeerkood.

Ninka dilka geystey ayaa la sheegayaa in uu ahaa askeri ka tirsan ciidanka, waxaana wararku sheegayaan in ninka dilka geystey qudhiisu uu qaraabo dhaw la ahaa kuwa uu diley oo ay u dhaxaysey muran dhul ku saabsdan.

Ninka dilka geystey ayaa ilaa hadda lugtiisu furan tahay, waxaana baadi goobaya ciidanka amaanka.