Suxufi Yoonis Cali Nuur Ayaa Ku Geeriyooday Isbitaal Maagaalada London Oo Uu Xaalad Caafimaad Uyaalay

London(GNN)Waxaa isbitaal ku yaala magaalada London ee dalka Britain xalay ku geeriyooday ruug cadaa saxaafadeed Alle u ha u naxariisto Yoonis Cali Nuur in ka badan 30 sano ka tirsnaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBCda.
Laakiin waayadii ugu danbeeyay yoonis waa uu ka ka fadhiistay Mihnada Warbaahinta isaga oo ahaa la taliye sare oo dhinaca Warfaafinta iyo guud ahaanba warbaahinta u ahaa Wasaaradda warfaafinta somaliland.
Marxuum-ka ayaa la sheegay in waayadii ugu danbeeyayb uu xanuunsanaa isaga oo lagu daweynayay isbitaal ku yaala magaalada London oo uu ugu danbeyntii xalay ku geeriyooday.
Saciid Cali Muuse oo ay muddo dheer soo wada shaqeynayeen Wariye Yoonis ayaa sheegay
in mudo dheer-ba uu ka cabanayay marxuum-ka xannuun dhinaca beerka ah oo ugu danbeyntii uu u geeriyooday.
Yoonis waxaa uu ka mid ahaa wariyayaasha ugu qibrada badan mihnada saxaafadda guud ahaan, sidoo kalana waxaa uu ka mid ahaa marka laga hadlayo dhinaca tabinta Barnaamijyada iyo wararka wariyayaashii ugu fiicnaa ee soo mara Dadka Afsoomaaliga Ku Hadla Wuxuna Aha Saxafi Aad Loo Jeclaa Tabintiisa Iyo Nuxurka Qaabka Uu Wararka Iyo Barnaamijyada Utabiyo,
Inaalilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajacuun