Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Halkan Akhri-Wasiirka Maaliyada Jsl Oo Soo Saaray Wareegto Uu Amaro Culus Ku Farayo Masuuliyiinta Ugu Sareeya Wasaarada Iyo Khilaafka Ay Ka Dhex Abuurtay.

Hargaysa(GNN):-Wasiirka wasaarada maaliyada somaliland ayaa horaantii bishan wuxu wareegto ay amaro culus ku qoran yihiin ku wargaliyay masuuliyiinta ugu saraysa wasaarada oo ay hormud ka yihiin wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha guud isagoo ku amray in aanay Wax talaabo ah qaadi karin ilaa ay wargaliyaan isla markaana aanay tagi karin kormeerna kusamayn karin goobaha dakhliga soosaarka ee dalka

Khilaafkan  dhinaca Maamulka ah ayaa ka dhex taagan mudooyinkii u dambeeyay masuuliyiinta ugu saraysa Wasaaradda Maaliyadda Somaliland,kaasi oo u dhexeeyay Wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi iyo Masuuliyiinta Ay isku Digreetada ku magacaaban yihiin sida Wasiir ku xigeenka Maxamed Daahir iyo Agaasimaha Guud,Waxaanu khilaafkaasi gaadhay heer  ay shaqada wasaaradu  jah wareer gasho,

Khilaafkan xaga maamulka ah ee wasaarada maaliyada ayaa waxaa keenay kadib markii Wasiirku uu qoray wareegto uu  amar ku siinayo Masuuliyiintaasi kaasi oo dulucdiisu tahay inaanay wax kormeer ah ku samayn Karin Goobaha Dakhli ururinta iyo meelo kale toona oo ka tirsan Wasaaradda,iyaga oo aan Wax amar ah ka qaadan isaga waxaanay arintaasi gaadhay inay aamusnaan gasho wasaaraddu oo ay joogsato hanaankii wada shaqayneed ee ka dhexaysay Masuuliyiinta Wasaaradda,

Iyadoo dhanka kale talaabadan uu ku kacay wasiirku ay keeentay kala fogaansho soo kala dhex gala masuuliyiinta wasaarada taasi oo saamayn balaadhan ku yeelatay badiba waaxaha wasaarada

Qoraalkan kasoo baxay wasiirka ayaa Waxaa ka muuqata aqoonta iyo aragtida rasmiga ee wasiirka maaliyada iyadoo daboolka ka qaaday khibrad la’aanta masuulkan madaxwyne muuse biixi u xushay wasaarada ugu culus dalka kaasi oo gabi ahaanba ilaaway in wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha guud uu madaxwayne muuse biixi wada magacaabay ee aanay ahayn agaasime waaxeedyada wasaarada.

Si kastaba ha ahaatee ilaa iyo intii wasaarada maaliyada loo magacaabay wasiir yuusuf ayaa wuxu ku kacay arimo door ah oo gabi ahaan  baalmarsan anshaxa masuuliyada isagoo mudo yar ka dib markii xilka loo magacaabay bilaabay qorshe uu ku beegsanayo agaasimaye waaxeedyada wasaarada iyo maamulayaasha kastamada dalka ugu waawayn  taa badal keediina ka dhigay in uu u magacaabo xubno ay isku xulafo yihiin oo hore loogu wada qabtay arimo musuq maasuq wallow uu kalsooni badan ka haysto madaxwaynaha.

Dadka Aragtida dheer ee Siyaasada Falanqeeya Ayaa badiba Ku Sifeeyey masuulkan Mid Uu xulashadiisa Madaxweyne Muuse biixi ku fashilmay islamarkaana aan ka fiirsan masuulka uu u magacaabay culayska wasaaradan iyo Shaqsigii halka maanta ay joogto hore uga dhaqaajin lahaa, door laxaad lehna ka qaadan lahaa arrimaha Sicir bararka iyo Sarif bararka daalaa dhaca ku keenay shacabka ku nool gayiga Somaliland.

Cabashooyin Badan oo Bulshadu masuulkan uga gudbisay madaxweyne biixi Ayaa mar uu ka hadlayey madaxweyne muuse biixi sheegay inuu yahay masuulkani mid uu ku xushay aqoonta uu leeyahay, waxaase madaxweynuhu aan diba u tix raacin Talaabooyinkii  Musuqmaasuq ee Wasiir Yuusuf shaqada lagaga eryey Xukuumadii tan ka horeysay oo galaafatay shaqadii Ku xigeenimo oo wakhtigaa uu ka ahaa kastamka kalabaydh………!

La Soco Warbixino Diirada Lagu Saaraayo Ficilada Ku Cusub Nidaamka Shaqo ee Masuulkan Majaraha Ka Leexday.

 

%d bloggers like this: