Breaking-Ururka Garyaqaanada Somaliland Oo Golaha Guurtida U Gudbiyey Qodob Kasoo Horjeeda Diinta islaamka oo Ku Jira Xeerka Kufsiga+Ururo Ku Hawlan Meelmarintiisa.

Hargeisa(GNN):-Breaking-Ururka Garyaqaanada Somaliland Oo Golaha Guurtida U Gudbiyey Qodob Kasoo Horjeeda Diinta islaamka oo Ku Jira Xeerka Kufsiga+Ururo Ku Hawlan Meelmarintiisa.

Waxaa Labadii Biloode ugu Danbeeyey bulshada Somaliland Ku Badnaa maqalkiisu Xeer Khilaafaad ka Dhex abuuray golayaasha Sharci Dajinta Dalka kaas oo Ay jireen ururo Si toosa ugu hawlanaaa Meelmarintiisa islamarkaana ka Shaqeynayey sanadadii ugu Danbeeyey.
Xeerkan oo Xeer bulshada Loogu Sheegay inuuu yahay Xeerka Kufsiga iyo Tacadiyada Loo Gaysto haweenka Ayaa Waxaa jira Qodob xaaraan ah oo ka hor Imanayan Dhaqanka Suuban iyo Shareecada Diinta Islaamka islamarkaana aan ku Jirin Dastuurka Qaranka Somaliland.
Qodobada Muhiimka ah ayaa Waxaa kamid Da’ada Qofka Qaangaadhka Ah oo lagu Sheegay Xeerkan in loo aqoonsanayo Qofku marka uu noqdo 18 jir Taas oo ah sharciyada ay isticmaalaan reer galbeedka iyo gaaladu islamarkaana ay jiraan hay’ado si gaara ugu faafiya dalka, halka diinta islaamkuna qofka qaangaadhka ah ku sheegtay in uu yahay qofka da’adiisu gaadhay 15 sano jir.
Si Kastaba ha ahaatee Ururka Garyaqaanada Somaliland ayaa Golaha Guurtida Hordhigay Qodob Sharci oo uu ka hor imanayo Xeerkan lagu Sheegay Kufsiga kaaas Oo Inta La ogyahay Ay mudooyinkii u Danbeeyey Si gaara ugu hawlanaayeen NGO’s gaara oo ay kamid yahay ururka aan dawliga ahayn ee Lagu Magacaabo NAGAAD.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN.