Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Dawlada Ingiriiska Oo Muwaadinteeda Uga Digtey Inay U Safraan Somaliya , Berbera Iyo Hargeysa-na U Ogolaatey

Hargeysa (GNN):- Wasiirul dawlaha dawladdaIngiriiska u qaabilsan Afrika iyo dalalka Barwaaqo sooranka Ahmed of Wimbledon ayaa sheegay inaanay xafiisyada Ingiriiska ee Muqdisho iyo Hargeysa muwaadintooda ku sugan Somaliland iyo Soomaaliya siin Karin taageero qunsuliyadeed, waxaanu sheegay in muwaadiniinta UK tagi karaan oo keliya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ee Somaliland.

Waxa xildhibaan Baroness Tonge ay weydiisay Wasiir Lord Ahmed haddii ay inuun wax walaac ah ka qabto dawladda Ingiriisku isticmaalo xarumo dhaqan celin oo ay sheegtay inay ku yaalaan Soomaaliya oo lagu xareeyo carruurta Soomaalida ah ee haysta dhalashada Ingiriiska iyo waxyaabaha xarumahan lagu qabto. Wasiirka ayaa ku jawaabay

“Boqortooyada Ingiriisku waxay ka digaysaa dhammaan socdaalada Soomaaliya marka laga reebo Hargeysa iyo Berbera. Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho iyo xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa hadda ma awoodaan inay taageero qunsuliyadeed gaadhsiiyaan Soomaaliya ama Somaliland.

Si aad u wayn ayay u xadidan tahay awoodda Ingiriisku u leeyahay inuu siiyo muwaadiniinta Ingiriiska ah ee jooga Soomaaliya ama Somaliland taageero qunsuliyadeed ama inuu si hubaal ah u ogaado hawlaha lagu qabto “xarumaha dhaqan celinta. ”

Hase ahaatee Safaaradda ku taal Nayrobi ayaa waa hore bixisay caawimo qunsuliyadeed oo xadidan taas oo ay ku jiraan dad hore u joogay “xarumaha dhaqan celinta.”

Source:- Geeska

%d bloggers like this: