Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Wasiirka Horu Marinta Jidadka Oo Buriyey Isku Shaandhayn Uu Sameeyey Maareeyaha Hayadda Wadooyinku Iyo Hanjabaado Culus Oo U Diray.

Hargeisa(GNN):-Wasiirka gaadiidka iyo horu marinta jidadka somaliland Cabdilaahi Abokor ayaa is hor taagay isku shaandhayn uu maareeyaha hay’adda waddooyinku ku sameeyey agaasime waaxeedyada hay’addaasi.

Qoraal uu wasiirka gaadiidku u diray maareeyaha hay’adda wadooyinka oo luuqad adag ku qornaa ayuu ku sheegay inaanay waxba ka jirin isku shaandhaynta uu sameeyey maareeyaha hay’adda waddooyinku.

Wasiirka gaadiidka iyo horu marinta jidadka ayaa warqada xafiiskiisa ka soo baxday waxa uu si amar ku taaglayn iyo awood sheegasho ah ugu hanjabayaa maareeyaha hay’adda horu marinta waddooyinka somaliland Cismaan Sheekh Cabdi isaga oo adeegsaday eraydan “Awood sharci iyo mid maamul toona uma lihid inaad magacaabis, xilal cusub, abuuris waaxo cusub

iyo xil ka qaadis ku samaysid agaasime waaxeedyada wakaalada horu marinta waddooyinka.

Waxaanan go’aamiyey inaan buriyo waraaqda sumadeedu tahay Ref:RDA/MG/246/2018, waxaan ku farayaa inaad u hogaansanaato xeerarka iyo shuruucda maamul ee dalka, haddii kale waxaan kaa qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan oo aad ku mudan karto in shaqada lagaa joojiyo maadaama aad caadaysatay khilaaf iyo sharci jabin joogto ah.”

Qaabka uu wasiir Cabdilaahi Abokor ugu hanjabayo maareeyaha hay’adda wadooyinka somaliland ayaa laga dhadhansan karaa in wasiirku u mareexaanaynayo maareeyaha, isla markaana la dareemayo inuu awood dheeraad ah haysto maadaama oo uu shaqo joojin ku hanjabayo.

Maareeyaha hay’adda wadooyinka ayaan dhiniciisa wax jawaab ah ka bixin warqada amarka ah ee uga timid wasiirka gaadiidka iyo horu marinta jidadka, iyada oo warqadana si toos ah loogu socodsiiyey masuuliyiinta cusub ee uu magacaabay maareeyuhu kuwaas oo la farayo inaanay waxba ka soo qaadin magacaabista maareeyaha hay’adda waddooyinka.

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network

 

 

%d bloggers like this: