Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Itoobiya Oo Xabsiga Dhigtay Wasiir Hore + [ Sababta ]

Addis Ababa (GNN):- Wasiir hore oo ka tirsaan dowladda Itoobiya ayaa xabsiga la dhigay kaddib markii lagu eedeeyay inuu lunsaday hantida dadweynaha.

Bereket Simon oo ahaan jiray wasiirkii hore ee isgaarsiinta dalka Itoobiya ayaa saaxib dhaw la ahaa ra’iisul wasaarihii geeriyooday Meles Zenawi.

Warbaahinta maxalliga waxay ku warrantay in Bereket Simon laga qabtay gurigiisa subaxnimaadii saaka, waxaana lala xidhay sarkaal sare oo dowladda ka tirsanaa.

Waxaana lagu eedeeyay inay lunsadeen lacago loogu talagalay in lagu maageliyo mashaaric gobolka Amxaarada.

Bereket ayaa kamid ahaa xubinihii aasaasay xisbiga haya talada Itoobiya ee EPRDF.

Tan iyo bishii Nofembar ee sannadkii lasoo dhaafay, dowladda Itoobiya waxay xabsiga dhigtay in ka badan 70 saraakiil ah oo isugu jiro militari iyo sirddoon kuwaas oo lagu eedeeyay musuq maasuq iyo inay ku tunteen xuquuqda aadanaha

GABILEY.NET