Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Sacuudiga Oo Sheegay In La Weeraray Maraakiibtiisa + [ Cida Weerartay ]

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in laba ka mid ah maraakiibteeda saliidda qaada ay “waxyeello xooggan” kasoo gaadhtay weerar arbushaad ah oo axaddii loogu gaystay xeebta Imaaraadka Carabta.

Ilaa hadda wax faahfaahin ah lagama bixin waxyeelada la sheegay in maraakiibta ay gaadhtay.

Wasiirka tamarta Sacuudiga ayaa sheegay in mid ka mid ah maraakiibta la weeraray uu ku socday dekedda Ras Tanura, sii uu uga soo qaado saliid la gayn lahaa Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa maanta soo saartay digniin ku aaddan “ficillo lagu arbushayo” maraakiibta ku safarta xeebaha Imaaraadka Carabta.

Digniintan ayaa timid xilli ay sare usii kacayso xiisad ka dhex ooggan Mareykanka iyo Iran.

Imaaraadka Carabta aya sidoo kale shalay sheegay in afar markab oo ganacsi weerar arbushaad ah loogu gaystay meel ku dhow biyaha Gacanka Cuman, hase yeeshee ma bixin wax faah-faahin ah.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Iran, Abbas Mousavi ayaa sheegay in weerarada lagu qaaday maraakiibta ay yihiin “kuwa lagu baraarugo oo laga qoomameeyo”.

Waxa uu ku baaqay baaritaan lagu sameeyo weerarada, waxaana uu ka digay gacmo shisheeye oo halis faraha la galaya, si ay u arbushaan ammaanka badda.

%d bloggers like this: