Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Suldaan Maxamed Cabdiqaadir Oo Ka Hadley Shirka Garxajis Iyo Habar Jeclo , Boqor Buurmadow-na Amaaney

Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay Shirka uu Boqor Buurmadaw iclaamiyey, waxaanu sheegay inay khalad tahay in dacwad ka dhan ah Boqor Buurmadaw in dacwad ka dhan ah loo gudbiyo Imaraadka, xilli uu Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xasan Gaafadhi uu dacwadan ka gudbiyey.

Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaayey Shirka uu iclaamiyey Boqor Buurmadaw ayaa yidhi “Boqor Buurmadaw waa nin macquul ah, laakiin Shirka uu ku dhawaaqay ilaa hadda Odayaasha Habarjeclo namay soo gaadhsiin, qaabka uu u doonayo inuu Shirka u qabto, iyo cidda la wada ilaa hadda ma ogin, markaas waanu eegi doonaa haddii ALLE idmo bal sida uu wax u wado”.

Mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko dacwada ka dhanka ah Boqor Buurmadaw ee Xukuumaddu u gudbisay Imaraadka oo uu hadda ku sugan yahay ayaa yidhi “Xukuumaddu waxay Imaraadka uga dacweyso Boqor Buurmadaw waa khalad, in nin muwaadin ah oo reer Somaliland in dalka shisheeye laga ashkateeyo waa khalad, haddii ay Xukuumaddu wax ka sheeganayso beri ka maalinba dalka uu imanaya, markaasba ha ku dacweyso waxay ka tabanayso, oo ha weydiiso waxay ka tabanayso, laakiin ma haboona in dalal shisheeye oo aan dalkeena ahayn aynu iska dacweyno”.

Suldaan Maxamed oo baaq u diraayey Xukuumadda ayaa yidhi  “Shacabka waxaan leeyahay nabada ilaaliya, oo dawladnimada ilaaliya, oo Dawladda kala shaqeeya wixii horumar ah ee ay wado”.

GABILEY.NET

%d bloggers like this: