Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

War Deg Deg Ah: Khasaaraha Ka Dhashay Doon Urarnayd Ganacsato Somaliland Ah Oo Degtay.

Berbera(GNN):-Doon magaceeda La Odhan Jiray Maxamed Naciim oo Dabayaaqadii Bishii Ramadan kasoo Shiraaqatay Dekada Dubai

ee dalka Imaaraadka carabta  oo u rarnayd ganacsato Reer Somaliland ah ayaa saaka degtay, sida Cabdiraxiim Saleebaan Jaamac oo kamid ah ganacsatada ay doontu urarnayd uu sheegay Hadhwanaagnews.

Sheekh cabdi raxiim ayaa xaqiiiyay in  Doontasi Degtay saaka Xiligii salaada Subax Lagu Jiray Kadib markii dabaylo Xoogan  oo ah Kuwii xagaaga ay ka Horyimaadeen  Socodkuna ku adkaaday, Cabdiraxiim  Wuxuu Intasi ku daray in Doontu u Jirtay Berbera  masaafo dhan 140 Mail  lakiin ay Awood u wayday Dabaylaha Xoogan  daraadood in ay soo jiidho waxaana isku dayday in ay dhufays ka dhigato inta dabayshu yaranayso  magaalo xeebeeda mukla ee dalka yemen  laakiin taasi way usuura gali wayday ayuu yidhi.

Sheekh cabdiraxiim  ayaa sheegay in laga badbaadiyay  shaqaalihii doontaa  waxaanu guray diyaaradaha tooska u kaca  ee helikobtarka looyaqan, inta wuxuu ku daray in  shaqaalaha doontu  ahayeen Hindi.

Doontan  ayaa waxa sarnaa  50 babuur oo kala duwan iyo ganacsi  kala duwan oo dhawar  milyan oo doolar ku dhawaa sida uu qiyaasay mr cabdiraxiim oo ku sugan Dubai.

Sida wararku xaqiijiyeen  Shirkada daldhis ayaana  ugu Khasaare Badnayd waxaana ka srnaa  aduun dhan sideed boqol oo kun oo doolar inkastoo  khasare xoogani soo wada gaadhay  guud ahaanba ganacsadatii ay u rarnayd doontani.

Berbera Gabiley News

 

%d bloggers like this: