Kenya Oo Shaacisay Inay Qab-qabteen Xubno ku Biirayay Al-Shabaab.

Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay illaa shan dhalinyaro ah oo la sheegay inay ku biiri rabeen kooxda Al-Shabaab.

Gudoomiyaha ismaamulka Siaya, Michael ole Tialal, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhalinyaradaan ay qorsheynayeen inay ka gudbaan xadka, si uga mid noqdaan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya iyo Kenya.

Michael ole Tialal ayaa tilmaamay in ciidamada ammaanku ay heleen xog ku aadan raggaasi, islamarkaana ay ka hortageen qorashahaasi.

Sidoo kal wuxuu tilmaamay in dhalinyaradaasi uu qorayey nin ka mid ah dadka deegaanka, islamarkaana ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in ninkaan uu sanado ka hor qaatay Diinta Islaamka, sidoo kalena uu ku soo tababartay gudaha Soomaaliya.

“Ninka la tuhmayo in uu Al-Shabaab Dhallinyarada uga qoro degaankaas ayaa sanado ka hor qaatay Diinta Islaamka,waxaa uu tababar u aaday Soomaaliya kaddibna dib uyuu ugu laabtay Kenya, isaga oo qaabilsan qoridda dhallinyarada” ayuu yiri Mr Tialal.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday dhaq dhaqaaqyada ay ka wado deegaanada xadka labada dal, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii weerar khasaaro geystay ay ku qaadeen gaari Bus-ah oo ay la socdeen dad shacab ah iyo saraakiil ka tirsanaa Booliska dalkaasi.