Itoobiya oo loo soo jeediyay in doorashooyinka ay qabsoomaan bisha May

Guddiga doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa soo jeediyay in doorashooyinka guud ee dalkaas la qabto dhammaadka bisha May amaba horraanta June 2021.

Doorashooyinka ayaa lagu waday inay qabsoomaan bishii August sanadkan, balse dib ayaa loo dhigay sababo la xiriira xanuunka safmarka ah ee coronavirus.

Guddiga ayaa soo jeediyay in shaqaalaha codbixinta la tababaro bartamaha December ilaa bartamaha January.

Diwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa sidoo kale la soo jeediyay in la bilaabo bartamaha January ilaa toddobaadka saddexaad ee February.

Guddiga ayaa sidoo kale soo jeediyay in diwaangelinta musharraxiinta la bilaabo horraanta ilaa bartamaha February isla markaana ololaha doorashooyinka ay bilowdaan bartamaha February.