Biden oo doonaya in dib u eegis lagu sameeyo heshiskii Trump uu la galay Taalibaan

Maamulka madaxweynaha cusub ee Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay inay dib u eegis ku sameyn doonaan heshiiskii Trump uu la galay ururka Taalibaan.

Mareykanka wuxuu doonayaa in maleeshiyaadkan ka dagallama Afghanistan inay dhaqangeliyaan heshiiska oo ay kamid yihiin in meesha laga saaro colaadda iyo in xiriirka ay u jaraan kooxaha argagixisada, sida laga soo xigtay afahayeen u hadashay dowladda.

Jake Sullivan oo ah la taliyaha arrimaha amniga ee Biden ayaa la hadlay saraakiil reer Afghanistan ah si uu ugu xaqiijiyo arrinta ku saabsan in dib u eegis lagu sameeyo heshiiskii Taalibaan iyo Mareykanka ee maamulkii Trump.

Bilihii lasoo dhaafay, Afghanistan waxaa ka dhacay weeraro dhowr ah.