Maxkamada Gobolka Maroodijeex Oo Xukuno Kasoo Saartay Lix-kaaliye Oo Loo Haystay Facebook Been-Abuura, Afar Kaaliye Oo La Xukumay, Halka Laba Kamida Dib Loogu Celiyey Xoriyadoodii.

Hargeisa(GNN):- Maxkamada Gobolka Maroodijeex Ayaa Xukuno Kala Duwan Ku Ku Riday 6 Lix-kaaliye oo Afartii Bilood Ee u Danbeeyey Ku Xidhnaa Magaalada Hargeisa, Waxaana Ka Garnaqa Dacwadan Oo Muddo Soo jiitamayey Saaka Lagu Dhawaaqay Go’aanka Kama Danbeysta Ah ee Xukunka,

Lixda Kaaliye Ayaa Ka Tirsanaa Maxkamada Rafcaanka Ee Gobolka M/jeex, Waxaana Hore loogu eedeeyey  Facebook Been Abuura Oo uu Ku Qoran Yahay Magaca Gudoomiyaha Maxkamada Rafcaanka Gobolka M/jeex Cali Suudi Diiriye Kaas oo Sida La Sheegay Lagu Faafiyey Warar Iyo Qoraalo Been Abuura, oo iska Horkeenaya Bahda Garsoorka,

Waxaana Eedaha Ay Xafiiska Xeer Ilaalintu Kusoo Oogtay Kaaliyayaashan oo Dhamaa (10) Toban Eedood, sida Lagu Faahfaahiyey Xaashida eeda, ayaa Muddo Hadaba Markii Ay Maxkamadu Dhegaysatay Danbiyada Lagu Soo eedeeyey Kaaliyeyaashan, Xafiiska Xeer Ilaalintana Lagu amar Inay Soo Cadeeyaan Eedan Ay kusoo Oogtay,

Waxaa iyaguna Dhankooda Iska difaacay Eedahaasi loo Soo jeediyey  Kaaliyayaashan Sheegay Inaaney habayaraatee Jirin  Wax Danbiya Oo ay Qabaan aaney jirina eedahaasi lagu soo eedeeey.

Hadaba Xukunadan Saaka Ay Soosaartay Maxkamada Gobolka Maroodijeex Oo Kala Duwanaa Ayey ku Sheegtay In Sagaal Kamida Tobanka Danbi ee Xafiiska Xeer Ilaalintu Ku Soo eedaysay lagu Waayey Kaaliyayaashan Halka Mid Kamida Lagu Helay Sida Ay Sheegeen,

Waxaana Maxkamadu Xukuno Kala Duwan Ku Riday Afar Kaaliye Oo ka mid Ahaa Lixda Kaaliye, halka laba kamida ay dib ugu soo celisay Xoriyadoodii.

 

Waxa Ay maxkamadu Xukuno Min Lix Bilooda Ku Xukuntay Saddexda kaaliye ee Kala Ah

1- Cabdinuur Ibraahim Maxamed

2-Layla Siciid Aadan

3- Hana Xassan yuusuf

Waxaana Sida uu Sheegay Garsooruhu maxkamadu  u cuskatay Qodobka 269  oo Ah Buu Yidhi Aflagaado garsoore, Xeerka Ciqaabta Guud inay qoraalo Aflagaado ah Isku Waydaarsadeen fariimo ay isku Direen Facebook-yada Ay Ku Wadda Xidhiidhaan Qolka fariimaha Laysku Dhaafsado ee  (chatting).

Waxaa Sidoo Kale Ay maxkamadu Xukun Ku Riday hal Sano oo Xadhig Ah C/casiis Muxumed Muuse (Sahal) oo ay Sheegtay Maxkamadu In Markii Hore Ay Ku Wayday  Qodobkii lagu Soo Eedeeyey Balse Maxkamadu Iyadoo Awood U leh Wax  Ka Bedelka Xaashida Eeda Dabaqaysana Qodobka 124, Waxay Maxkamadu Ku Xukuntay Qodobka 452 oo ah Sharaf Dil Garsoore (Xeerka Ciqaabta Guud), Garsooraha Dacwada ayaa sheegay maxkamadu iyada oo kaashanaysa khubaro aqoon u leh dhinaca IT-ga  Ama Internetka Waxa U Cadaatay In uu Sameeyey Facebook Been Abuurka Ah Kuna Faafiyey Qoraalada Been Abuurka Ah, Sidaana ay u cuskadeen qodobka 452 oo ah xeerka ciqaabta guud laguna xukumay hal sano oo xadhig ah

Qareenka Difaacayey Eedaysanaha Ayaa Sheegay Inaan Waxba Laga Ogaysiin Cadaynta Eedan Lagu Xukumay Islamarkaana aanu jirin Markhaati Si Cad Maxkamada ugaga Hor Cadeeyey Inuu Sameeyey Facebook, been Abuurka Ah qoraaladana uu ku Faafiyey iyo inkale, Balse uu yahay  Go’aan Kasoo Baxay garsooraha Xukunka Qaadayey, eedii hore ay Xafiiska Xeer Ilaalintu ugu Soo Eedaysayna Lagu Waayey.

Sidoo kale Waxaa Ay Iyana Maxkamadu Xoriyadoodii Dib Ugu Soo Celisay Labada kaaliye ee kala Ah

1- Siciid Maxamuud Ibraahim

2- Maxamed Rashiid Cali

Sikastaba ha Ahaatee Dhacwadan Qaadatay Mudada Afarta Bilooda Una Xidhnaayeen Lixda Kaaliye oo Sabab looga Dhigay Danbiga Loo Haystay Inuu yahay Sameynta Facebookgaasi been Abuurka Ah Ayaa Haddana waxa Jira In Ilaa hadda Uu Shaqeynayo facebookgaasi loo Haystay Kaaliyeyaashu, Islamarkaaana lagu faafinayey Qoraalo Kale oo ka danbeeyey kuwii loo xidhay kaaliyeyaashan, Waxaana Taasi Meesha Ka Saaraysaa in Xukunka Dacwadani uu noqon Karo Mid Ku Dhisan Xaqiiq iyo Xog Dhammaystiran, islamarkaana Uu Ahaa Xukun Cadaalada La Waafajiyey, Maadaama uu Wali Facebookgii loo Xidhay kaaliyaayshu Ilaa Hadda Shaqaynayo Lana isticmaalayo, lamana garan karo cid isticmaalaysa  Shaqsiga Dhabta Ah Ee Uu yahay Walow Ay Maxkamadu Sheegtay inay Kaashatay Khubaro Aqoon U Leh.

Halka Ka eeg Facebook Loo Xidhay Kaaliyeyaashan iyo Qoraalada Lagu Faafinayey Kaaliyaayshan oo Xabsiga Ku Jira. Mudadii ay Xidhanaayeen.

fffffffffffffffg gggggggggggg

Eeg Qoraalka Been Abuurka Ah Ee Lagu Faafiyey Facebooka Keenayna Xadhiga Kaaliyayaasha.

dddddfffffffffffffffjjjjjjjjjjjjjjjjjjkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network