Dag-Dag Tobabaraha kooxda Wasaarada Maaliyada oo Heshiis Rasmi ah la Galay Weerar yahankii ugu Goolasha Badnaa koobkii Gobalada Somaliland Ee sanadka 2016

Tobabaraha kooxda Wasaarada Maaliyada Somaliland oo Heshiis Rasmi ah la Galay Weerar yahankii ugu Goolasha Badnaa koobkii Gobalada Somaliland Ee sanadka 2016 Kana Mid Ahaa Weerar yahankii Xulka Gobolka Awdal ee Ku Guulaytay Koobkii Tartanka Gobolada Somaliland, Ciyaaryahankani oo Lagu Magacaabo Bahdoon Axmed Hadliye

vvvvvv

Weeraryahankani Bahdoon Axmed Hadliye Ayaa Ciyaarihii Ay Xulkiisa Gobolka Awdal Ku Guulayteen Aad uga Dhex Muuqday Waxaanu Ka Mid Noqay Ciyaartooyada ugu Goolasha Badan intii uu Socday Tartanka Gobolada Somaliland,isagoo Xulkiisa Gobolka Awdalna u Suurto Galiyay in Ay Ku Guulaytaan Koobka Tartanka Gobolada Somaliland.

vvvvvv

Tobabaraha kooxda Wasaarada Maaliyada Kayse Daahir Axmed Heshiiskani Rasmiga ah ee uu la Galay Weeraryahan Bahdoon Axmed Hadliye Ayaa Ay Ka Danbaysay Kadib Markii uu La Dhacay Qaabciyaareedkiisa, Habka Qaadashada Kubada, iyo Farsamooyinka uu Samaynaayo Marka uu Ku Jiro Ciyaarta .
Saxiisa heshiiska ciyaaryahan Bahdoon Axmed Hadliye ayaa waxaa si weyn u soo dhoweeyay Taageerayaasha Kooxda Wasarada Maliyada Somaliland.

 

 

Gabiley.net

Gabiley office

Cabdirisaaq Axmed Hayaan ilkacase