DAAWO Waftigii Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Iyo Gudoomiyaha Xisbul Xaakimka Kulmiye Oo Maanta Gaadhay Magaalada Boorama.

Borama(GNN):-Shacabka reer Awdal, ayaa taageero indho-daraandar noqotay ku soo dhaweeyey wefti ballaadhan oo ay horkacayaan Murrashaxiinta Madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE – Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo socdaal ku tagay Gobolka.
Weftiga KULMIYE oo saaka ka ambabaxay magaalada Hargeysa, siina maray Gobolka Gabiley, ayaa soo dhawayn layaab leh kala kulmay dadweynaha degmooyinka Gobolka Awdal ee Dila ilaa Boorama oo socdaalkoodu ku wajahnaa, waxaanna kumanaan qof oo isugu jira dhammaan qaybaha bulshada oo ay horkacayaan madaxdhaqameedka Gobolka, siyaasiyiinta caanka ah iyo aqoonyahanka ku qaabileen magaalada Dila ilaa Boorama oo inta ka u dhaxaysa ay jidka wayn taxnaayeen.
Soo dhawaynta u waynayd oo ka dhacday magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorama oo duleedkeeda lagaga hortagay weftiga, iyadoo markii dambena loo galbiyey fagaaraha wayn ee Khayriyada oo ay isugu soo baxeen kumanaan dadweyne u heellan xisbal-xaakimka Somaliland oo lulayey calamada Qaranka iyo ka xisbiga KULMIYE, iyadoo halkaasina madaxdu ka jeediyeen khudbado muhiim ah.
.