DAAWO SAWIRADA Ciidanka Nabad Galyada Wadooyinka Somaliland Oo La Soo Dagay Wiish Casri Oo Loogu Tallo Galay In Baaburta Wadooyinka Dhexdiisa La Dhigo Lagaga Qaado

Tirada gaadiidka oo aad u sii badanaysa iyo wadooyinka caasimada oo ah kuwo cidhiidhiya ayaa keenay in ciidamada nabad galyada wadooyinku ay la soo dagaan wiishkan gaarka ah ee ay ugu tala galeen inay u isticmaalaan banaynta wadooyinka Hargeysa.

Magaalada Hargeysa ayaa maalinba maalinta ka dambaysa noqonaysa mid sii balaadhanaysa oo shacabka ku dhaqan iyo gaadiidka ay isticmaalayaanba sii kordhayaan halka wadooyinku ay yihiin intoodii horeoo waliba qaarkood aan la mari Karin burbur ka muuqda dartood.Image may contain: one or more people, house and outdoor
Wiishkan ayey ciidamada nabad galyada wadooyinku si weyn uga faa,iidaysan doonaan, iyada oo la filayo in wakhtiga ugu badan ay u isticmaali doonaan waddada wadnaha ee caasimada Hargeysa oo ay isku soo koobeen baabuurtii ugu badnayd, iyada oo aanay jirin wadooyin cusub oo la dhisay oo culayska ka qaadi kara waddadaasi ama dayactir lagu sameeyey kuwii hore u dhisnaa.
Image may contain: one or more people and outdoor
Masuuliyiinta dawlada hoose ee caasimada Hargeysa oo iska leh masuuliyada qorshaynta magaalada ayaa u muuqda kuwo aanay tiradaba ugu jirin inay xal ka gaadhaan dhibaatada haysta magaaladii ay masuulka ka ahaayeen ee cidhiidhiga baabuurta iyo wado yaraanta jirta, balse ciidamada nabad galyada wadooyinka ayaa dedaalka ugu badan galiya sidii ay baabuurti si nabad galyo ah u isticmaali lahaayeen waddada mashquulka badan ee Wadnaha Hargeysa.