Dalalka Jarmalka Iyo Ingiriiska Oo Lacago Ugu Deeqay Dadka Ay Abaaruhu Ku Habsadeen Ee Somaliland,Ka Dib Kullamadii Ay Saraakiisha Xisbiga WADDANI Kula Yeesheen KENYA

Waxaana durba dalabkan kasoo jawaabay labada dal ee Ingiriiska iyo Germany iyaga oo deeqaha iyo qadarka lacagta ah ee ay ugu deeqeen dadka ay abaaruhu halakeeyeena ay kala yihiin sida tan

  • Dawlada Ingiriiska ayaa ku yaboohday 7,000,000 £ (Todoba Million Oo Lacagta Giniga Ingiriiska ah)
  • Halka ay dawlada Germany ay iyaguna ku deeqday dadka ay abaaruhu saameeyeen 5,000,000$ (Shan Million oo Dollar).

Sidoo kalena mar dhawayd waxa soo xidhmay shir ay isugu yimaadeen dhammaan safaaradihii ay saraakiisha xisbiga WADDANI kulamada kula yeesheen magaalada Nairobi ee kala ahaa dalalka, USA UK, France, GERMANY DENMARK UNITED NATION , EUROPE iyo IGAD waxaana loo qabtay shirkan abaaraha Somaliland.

Shirkan deg dega ah waxa lagu go’aamiyay in wafdi dag dag ah loo diro dalka Somaliland muddo laba cisho gudahood ah, waftigaas oo ugu horreyn ka degi doona magaalada Hargaysa ee Caasimadda dalka Somaliland .

Lacagta kor ku xusan waxa ku deeqay dalka U.K. Iyo GERMANY iyaga oo dhammaan dawladaha kalena balan qaadyo deg deg ah ay sameeyeen.

“Wafdiga xisbiga WADDANI ee ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxay ugu baaqayaan Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE in aanay ka hinaasin dedaalka Xisbiga WADDANI ugu jiro dalkiisa iyo dadkiisa abaaruhu aafeeyeen, ayna soo dhaweeyaan wafdiga miisanka leh ee ku soo aadan dalka waayo dhammaanteen waxaynu u shaqaynaynaa shacbigeena oo u baahan”.

Gabagabadiina deeqahan ay dalalka Ingiriiska iyo Gemany ugu deeqeen dadka ay abaaruhu saameeyeen ee somaliland ku dhaqan ayaa waxay go’aamiyeen in ay ku hakaajiyaan qarashkan  hay’addaha kala shaqeeya arrimaha samafalka ee ay kusoo hagaajin jireen deeqaha oo ay kamid tahay hay’adda WFP,kadib markii xukuumadda somaliland aanay samayn guddi ka kooban wasaaradahan ku shaqada leh arrimahan gargaarka iyo samafalka bini-aadamnimada oo toos ula shaqeeya deeq bixiyayaasha caalamiga ah.