DAAWO Khuburo Caalami Ah Oo Ka Socda Dalka Holland Oo Dalka Soo Gaadhay Iyo Ujeedada Socdaalkoodu Daaran Tahay

Waftigan khuburadda ah oo la filayo inay muddo dhawr maalmood dalka jogaan ayaa la filayaa inay kulamo kala duwan la yeelan doonaan masuuliyiinta laamaha dawlada isla markaana ay booqan doonaan magaalada Berbera iyo waliba dekeda magaalada Berbera.Sida xogaha aanu ku helnay sheegayaan khuburaddan oo ka socda shirkadda magaceeda la yidhaahdo Maritime & Transportation Solution Business  xarunteeduna tahay dalka Holland ayaa qandaraas ah daraaseyn iyo falaqayn (Diagnostic Analaysis) lagu samaynayo mashruuca dhismaha wadada isku xidhi doonta dekeda magaalada Berbera iyo suuqa ganacsi ee Itoobiya,waxaanay mashruucan sida la sheegay ka qaadatay shirkad kale oo la yidhaahdo Trade Mark East Africa.Dhinaca kale wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in khuburaddan ay shalay kulan la qaateen wasiiru dawlaha  arrimaha dibada Somaliland Maxamed Mixile Boqore oo la sheegay inuu xafiiskiisa ku qaabiley.