Taliye Ku Xigeenkii Sadexaad Ee Ciidanka Booliska maamulka Puntland Oo Ay Khaarajiyeen Dablay Hubaysani

Taliye ku-xigeenka saddexaad ee Booliska Puntland Jaamac Saxardiid Cabdi ayaa ku geeriyooday magaalada Boosaaso.

Geerida taliyaha ayaa shalay dabley hubeysan ku dhaawaceen magaalada Boosaso, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inuu dhaawacaasi u geeryooday isbitaalka weyn ee Boosaaso.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay inay ka danbeysay dilka taliye ku xigeenka Booliska Puntland, laakin weli kama hadlin maamulka Puntland, inkastoo laamaha ammaanka Boosaas ay sheegeen inay aqoonsadeen kuwii ka dambeeyay dilka taliyaha.

Kooxo hubeysan oo ka qowleysta magaalooyinka ayaa falalka noocan ah ka geysta magaalooyinka maamul goboleedka Puntland.