Xukuumadeey ! Qaylo Dhaan joogto Ah Iyo Qaadhaan Ururin Xal Maaha Ee Waa In Ku Talogal Iyo Qorshe Qaran Loo Helaa Abaaraha Baahsan.Qalinkii A/rahman fidhinle

Abaaruhu waa Mashaakilaadka la Calaamadeeyey ee la isku raacay ee dalka Somaliland guud ahaan ka jira.
Waxaynu ka dheregsanahay in xili wareega abaaraha Somaliland ay caadi noqdeen sanadihii danbe oo sanadkiiba dhowr jeer abaaruhu dalka asiibaan sidaa daraadeed uu
dalku wuxuu u baahan yahay in loo sameeyo nidaam ku talo gal ah iyo Qorshe qaran oo abaaraha lagaga badbaadiyo reer guuraaga naf iyo maalba;
Waxaa nasiib daro ah in iyada oo la ogaa in roobabkii gu’gu yaraayeen, oo hadana kuwii dayrtu yaraadeen in aanu dalku laheyn nidaamkii ku talo galka ahaa ee digniinta ahaa (Early warning system) si abaaraha looga hor tago inta aanay xooluhu dhiman. in kasta oo ay dalka ka jirto Hayada Ladagaalanka aafada dabiiciga ah ( Disaster Preparatory Authority ) in aanu hadana dalku laheyn ( Strategic plan ) , in aanu dalku laheyn sharcigii isticmaalka dhulka ee degaanada kala duwan ee JSL. Waxaa nasiib daro ah in aanu dalku laheyn (Drought contingency plan) ama keyd lacageed oo buuran oo meel u yaal.(Drough Contigency fund) .
Su’aashu qarnigu waxay tahay , Hadii cilimadii is bedeshay oo abaarihii bateen Sidee ayeynu nolosha reer miyiga u habeysanaa ??
Waxay u habeysaneynaa inaga oo sameyna qorshe iyo daraasad qoto dheer ileyn ( Qoreshe la’aani waa Nolol la’aane )
Talo Soojeedin :Waxaan Xukuumada gaar ahaan Hayadaha ay Hawshani khuseyso u soo jeedinaynaa in ay dhuuxa kala baxaan qodoban hoose:
1- Waa in si dhakso ah loo sameeyo habkii loo maareyn lahaa loona maamuli lahaa abaaraha baahsan ( Drought management policy and plan )
2- Waa in dawlada dhexe si waafiya u maamushaa oo la mideeyaa gargaarka abaaraha iyada mudnaanta la siinaayo dadka jilicsan
3- Waa meelaha biyuhu dhow yihiin si deg deg ah biyo looga soo saaraa iyada oo lala kaashanayo shirkadaha waaweyn ee madaniga ahiyo kuwa maxaliga ahba.
4- Waa in dadka reer guuraaga ahlagu dhiiradaa in degaankooda lagu xasiliyo maadaama naf iyo maalba ay jilicsan yihiin
5- Waa in la qorsheeyo dhulka degaanada Somaliland loona kala saaro dhul beereed, dhul seereed iyo dhul daaqsimeed ( Mustaqbalka )
6- Waa in biyaha roobabka mustaqbalka la qabtaa 70%, lagana jebiyaa biyaha dur-dura gacamo yar yar oo biyaha dhulka ku hakiya
7- Waa in 30 cm ee carada dhulka ugu sareysa la bacrimiyaa, dalkana laga hir geliyaa in cows abaareed iyo dhir lagu beero
8- Waa in la sameeyaa qorshe iyo istiraatiijik plan ( National policy and National strategic plan ) loona qoondeeya qorshahaa kharaj u gaar ah oo mug leh..
9- Waa in dalka laga hirgeliyaa xarumo saadaaliya cimilada ( Nationwide Metrological Station ) gobol kastana xarun laga dhisaa.
10- Hayadaha iyo Wasaaradaha ay hawshani si gaar ah ukhusaysaa waa in ay si joogto ah uga hawlgalaan abaaraha ba’an ee dalka ku baahay.
11- Waa in Sanduuq gaar ah loo furaa Abaaraha mustaqabalka kaas oo ka madax banana Sanduuqa Horumarinta Somaliland
12- Waa in Qorshaha abaaruhu yeeshaa mid ku base-garaysan waxaad haysato ee markaa faraha kuugu jira
13- Waa in uu ahaadaa Qorshe leh dar-dar gelin, dabo gal iyo cabir iyo halbeeg lagu qiyaaso hirgelintiisa ( monitoring and evaluation )
14- Waa in uu ahaadaa qorshe ku saleysan ujeedooyin cad cad ee aanu noqon mid ku saleysan mala’awaal iyo riyo maalmeed.
15- Waa in uu ahaa qorshe qof kasta oo reer Somalilandu banana in uu ka qayb qaadato oo uu kaalin gaar ah ku yeesho.
Alleh ayaa Mahada Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London