Urur ka Shaqeynaya Maamulka iyo Maareynta Magaalooyinka Somaliland oo Hargeysa lagu Daahfuray

Hargeysa(GNN) Urur ka Shaqeynaya Maamulka iyo Maareynta Magaalooyinka Somaliland ayaa Habeen hore lagaga Dhawaaqay Xaflad lagu Qabtay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.URURKA MAARAYNTA MAGALOYINKA SOMLILAND
Xaflada lagu shaacinayay Ururka oo si heersare loosoo agaasimay waxaa kasoo qaybgalay Musharaxa Madaxwayne Xisbiga Mucaaridka UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Haayada Shaqaalaha Dawlada Sharmaake Axmed Muxumed, Agaasimaha Machadka Shaqaalaha Dawlada Guuleed Saleebaan Hagoog, La Taliyaha Madaxwayne ku xigeenka ee mashruuca JPLG,Guddoomiyaha Haayada Abaabul ka saar qaranka Ibraahim Axmed Raabi, masuuliyiin ka socday Haayadaha Qaramada midoobay, kuwa maxaliga ah iyo Marti Sharaf kale.
Guddoomiyaha Ururka Maareynta Magaalooyinka Somaliland ee (SUMPRO) Khadar Cabdi Cawaale (Boqore) oo munaasibadaasi khudbad ka jeediyay ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedooyinka rasmiga ee dhalinyartani u aasaastay ururkan.
“Ururkan waxaa ku midoobay dhalinyaro aqoonyahano ah oo wax ka bartay Cilmiga Maamulka Magaalooyinka (Urban Management) waxaa uu la shaqeyn doonaa dhamaan dawladaha hoose ee Somaliland wixii aanu u aragno inaanu kusoo kordhinayno dalkayaga, maaddaama maanta dunidu iskugu timid magaalooyinka oo loo baahanyahay in wax laga qabto mushkiladahaasi imanaya”ayuu yidhi Khadar Cabdi Cawaale waxaanu intaasi ku daray isagoo hadalkiisa Sii wata “Cid walba oo wada shaqeyntu naga gasho waanu la shaqeynaynaa annagoo danta qaranka Somaliland eegayna”
Dhinaca kale,  Musharaxa Madaxwayne ku xigeen ee Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo hadalka Dheer ka jeediyay Madashaasi ayaa sheegay in Ururkan ka shaqeynaya Dawladaha Hoose uu dalku si wayn ugu baahnaa islamarkaana dhalinyartani wakhti fiican ku soo beegtay.
“Dalkeenu male Town plain markaa dhalinyartani ku Midoobay Ururkani waa loo baahnaa xili wanaagsan ayay kusoo beegeen Ururkooda, dawlaha Hoose waa meesha kaliya ee maanta aynu u baahanahay in wax laga badalo”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha Xibsiga UCID waxaa uu sidoo kale hambalyo balaadhan u diray dhalinyartaasi ku midoobay ururkan oo muddo saddex sano ahna hore cilmigan usoo baranayay imikana ku midoobay Ururkan si ay bulshada ula shaqeeyaana.
Guddoomiyaha Haayada Shaqaalaha Sharmaake Axmed Muxumed Geelle, oo gabagabadii Munaasibadaasi hadal qiimo badan ka jeediyay Xafladii lagu Shaacinayay Ururka SUMPRO ayaa sheegay inuu  soo dhaqeynayo Ururkan, guddoomiye Sharmaake waxaa uu sidoo kale u balanqaaday Xubnahaasi ku midoobay Ururka Maareynta Magaalooyinka Somaliland inuu kala shaqeyn doono shaqo kasta oo ay uga baahndaan laamaha kala duwan ee dalwada Somaliland.
“Dhibta ugu wayn ee ina haysata waa malaayiin aqoonyahan ah oo haddana saameyn aan ku yeelan Somaliland, idinku maanta waxaa garanaysaa maanta Cilmiga dad intay Fiidyowga ka daawadaan Dal qurux badan Somaliland barbardhigaya, sidii loo qurxin lahaa”ayuu yidhi Guddoomiyaha Haayada Shaqaalaha Somaliland.
Agaasimaha Machadka Shaqaalaha Dawlada Somaliland, Guddoomiyaha Haayada abaabul ka saar, La taliyaha Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Maareeyaha Shirkada Maandeeq, Agaasimaha Ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF, saraakiil ka socda haayada caalamiga ah oo madashaasi ka hadlay waxaa ay dhalinyaradan ku bogaadiyeen shaqada wanaagsan ee ay shacabka u horseedeen iyagoo kula dardaarmay inay ururkaasi ku shaqeeyaan balse aanay halkaasi kaga Hadhin.
Ururka Maareynta Magaalooyinka Somaliland waxaa ku midoobay Dhalinyaro aqoonyahan ah oo cilmiga Maareynta Magaalooyinka Saddexdii sano ee ugu dambeeyay ka baranayay Machadka Shaqaalaha Dawlada ee Civil Service Institute.
hadal qiimo badan ka jeediyay Xafladii lagu Shaacinayay Ururka SUMPRO ayaa sheegay inuu  soo dhaqeynayo Ururkan, guddoomiye Sharmaake waxaa uu sidoo kale u balanqaaday Xubnahaasi ku midoobay Ururka Maareynta Magaalooyinka Somaliland inuu kala shaqeyn doono shaqo kasta oo ay uga baahndaan laamaha kala duwan ee dalwada Somaliland.
“Dhibta ugu wayn ee ina haysata waa malaayiin aqoonyahan ah oo haddana saameyn aan ku yeelan Somaliland, idinku maanta waxaa garanaysaa maanta Cilmiga dad intay Fiidyowga ka daawadaan Dal qurux badan Somaliland barbardhigaya, sidii loo qurxin lahaa”ayuu yidhi Guddoomiyaha Haayada Shaqaalaha Somaliland.
Agaasimaha Machadka Shaqaalaha Dawlada Somaliland, Guddoomiyaha Haayada abaabul ka saar, La taliyaha Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Maareeyaha Shirkada Maandeeq, Agaasimaha Ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF, saraakiil ka socda haayada caalamiga ah oo madashaasi ka hadlay waxaa ay dhalinyaradan ku bogaadiyeen shaqada wanaagsan ee ay shacabka u horseedeen iyagoo kula dardaarmay inay ururkaasi ku shaqeeyaan balse aanay halkaasi kaga Hadhin.
Ururka Maareynta Magaalooyinka Somaliland waxaa ku midoobay Dhalinyaro aqoonyahan ah oo cilmiga Maareynta Magaalooyinka Saddexdii sano ee ugu dambeeyay ka baranayay Machadka Shaqaalaha Dawlada ee Civil Service Institute.
Ururkani waxaa uu ka shaqeyn doonaa sidii loo maamuli lahaa Magaalooyinka Somaliland, loogana dhigi lahaa Kuwo la mid ah magaalooyinka Casriga ee Caalamka.