Xildhibaan Axmed-gacan Oo Nasiib-darro Ku Tilmaamay In Wasiirka Biyaha Loo Diido Shirkii Wasiirada

Hargeisa(GNN):-Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Guddaha iyo nabadgalyada ee Golaha Guurtida Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan), ayaa Xukuumadda dhaliilo culus u soo jeediyey, waxaanu sheegay in Xukuumadda aan lagu halayn Karin qabsoomida Doorashada.

img_45fd16-9ee265-95f974-1c97ad-96de1c-a61ed9

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadduba ku jiraan olole, aan wali la gaadhin, isla markaana hantidii iyo gaadiidkii qaranka sida ay doonaan ugu takrifalayaan, waxaanu yidhi “Nidaamkii Qabiilka ee wax lagu dooran jiray weynu ka soo gudubnay, waxaana nidaamkaas laga guuray 2001, waxaynu qaadanay nidaamka Xisbiyada in wax lagu doorto, Dastuur baa loo codeeyey, Dimuqraadiyad baa la qaatay, laakiin waxa wax laga xishoodo ah in Madaxweynaha Somaliland oo Shacabka reer Somaliland doorteen, oo Beelo si gaar ah u doortay aanay jirin in haddana la yidhaahdo isgaashan-buuraysi iyo iskaashi laba Beelood ee la sheegay in ilaa iyo 1954-kii u dhexeeyey, Shacabka reer Somaliland maaha laba Beelood, mana ah in Wasiiro iyo shaqsiyaad dusha saartaan masuuliyadda laba Beelood, Madaxweynahana kamaan filayn inuu Shirkan lagaga hadlayo Beelaha inuu dhex fadhiisto, oo waliba Wasiiradda qaar laga saaro Shirka, Madaxweynaha waan kala hanweynaa inuu Shirkan oo kale ku soo hoos noqdo, balse garan maayo waxa si noqday”.

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan),ayaa mar uu ka hadlaayey Wasiirka Biyaha ee laga hor istaagay Shirkii Golaha Wasiiradda ayaa yidhi “Iyadoo la ogaa Shirkii Burco, siduu ku dhacay iyo sida loo kala soocay Wasiiradda, ayey haddana maanta Xukuumaddu la timid arin fool xumo ah oo aan hore u dhicin, oo ah in Wasiirka Biyaha laga hor istaago Shirka Golaha Wasiiradda, isla markaana lagu yidhaahdo isagoo Wasiir qaran ah waa lagu baadhaya, waxaana cad in Xukuumaddani nidaamkii dawladnimo lumisay, oo Wasiiraddeediina u kala hiilinayso”.

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan), mar uu ka hadlaayey Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda ayaa wuxuu yidhi “Waxa loo baahnaa in Xukuumaddu ilaaliso Hantida Qaranka ee dadka ka dhexeysa, balse sida ay doonto ayey ugu takri-fasha, iyadoon ololihii la gaadhin bay Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye hantidii iyo gaadiidkii umadda ee qaranka ka dhexeeyey ku takifaleen, Doorashada soo socotana laguma lahayn karo, maxa yeelay waxaynu ognayn Doorashadii Deegaanka wixii ka dhacay, Xukuumaddana laguma halayn karo Doorashada”.