DAAWO SAWIRADDA :Dhagax-dhigii Madarasad ay Hay’adda EAD iyo GH Hoodaale ka hir gelinayaan Tuulada Xaaji Daahir, Gobolka Gabiley

Gudida EAD iyo Hoodale ayaa maanta (24/01/2017) dhagax dhigay dhisme cusub oo ah Madarasad laga hir gelinayo Tuulada Xaaji Daahir ee Gobolka Gabiley. Munaasabaddan waxaa kasoo qayb galay Md Ahmed Ibrahim Kadleye (gudoomiyaha EAD UK), Md Maxamuud Qalib (Gudoomiyaha Hoodaale), Eng. Mohamed Yusuf (Gudoomiye ku-xigeenka Hoodaale) iyo xubno kale oo ka tirsan Hoodaale. Waxa iyaguna xaflada ka soo qayb galay Duqa Degmada Gabiley, Duqa Degmada Wajaale, Gudoomiyaha Dawladda Hoose ee Degmada Wajaale iyo sidoo kale xubno ka tirsan Golayaasha Deegaanka ee labada degmo, iyo qaar ka mida odayada iyo culimaa’udiinka tuulada Xaaji Dahir iyo Kalabaydh.

Madarasaddan oo la aas-aasay sanadkii 1960 ayaa carruurtii tan iyo wakhtigaa wax ku baranayeen meel u eeg xero adhi. Laba sanno ka hor,

–  mar ay si wada jira u booqdeen Tuulada Xaaji Dahir – ayaa EAD iyo Hoodaale ku ogaadeen waayaha Melcaamaddaa. Olole xooggan ka dib, waxaa Ilaahay mahaddiiya in EAD iyo Hoodaale ay u suuro gashay sidii carruurtaa loogu dhisi lahaa dhisme cadeedda iyo roobka ay ka hoos galaan. Waxa aannu maanta dhagax dhigney Madarasad ka kooban laba qol iyo baytalmay. Waxaa hawsha dhismaha fulinaya Hoodaale.

Waxaanu halkan uga mahadnaqaynaa Duqa Degmada Gabiley oo isagu kaalmo wax ku oola ka gaystay dhismaha madarasaddan, ballan qaadayna daryeelideeda. Waxa kale oo aanu u mahad naqaynaa cid allaale cidii wax ku darsatay tabarucan lagu dhisayo Madarasaddan.

EAD & Hoodaale2

EAD & Hoodaale

EAD & Hoodaale3

Gudida EAD  & GH Hoodale

www.eastafricadevelopment.org