DAAWO SAWIRADDA:Hay’adda EAD iyo GH Hoodale oo maanta ku wareejiyey deeq dhara Gudida Abaaraha heer gobol ee Gobolka Gabiley.

Gudida EAD iyo Hoodale ayaa maanta oo ay taariikhdu ahayd 24/01/2017 ku wareejiyey deeq dhara Gudida Abaaraha heer gobol ee Gobolka Gabiley. Deeqdan dharka ah oo ka koobnayd 18 bundadood waxaa ku soo tabarucay qurba-joogta reer Somaliland ee dalka Ingiriiska,  waxaana soo diray Gudida EAD UK –  waxa ayna ugu talo galleen walaalahooda reer Somaliland ee haatan ku sugan Gobolka Gabiley ee aabaaruhu ka soo bara kiciyeen gobolada bari ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Madashii Deeqdan dharka lagula kala wareegayay, xagga EAD waxa matalayay gudoomiyaha EAD UK, Ahmed Ibrahim Kadleye, Hoodalena waxa ka wakiil ahaa Mohamoud Qalib, Gudoomiye Ku-xigeenka Hoodale, Eng. Mohamed Yusuf iyo xubno kale oo ka tirsan GH Hoodaale.  Deeqdaa waxaa Gobolka Gabiley u gudoomay Badhasaabka, Md Xamse Maxamed Cabdi, Ku-xigeenkiisa, Cali Cabdi Cabdillaahi (Calicase), gudoomiyaha Gudida Abaaraha ee Gobolka Gabiley, Eng. Sheikh Xasan Jaamac, iyo masuuliyiin ka tirsan Golaha Degaanka Gabiley.

EAD & Hoodaale6

EAD & Hoodaale5

 

 

Gudida EAD & Hoodale

www.eastafricadevelopment.org