DEG-DEG: Jeol Matip Oo Markale Laga Saaray Kooxda Liverpool Oo Wajaheysa Playmouth Iyo Xidiga Oo Seegi Kara Sideed Kulan

Waxaa markale laga saaray kooxda Liverpool ee wajaheysa PlayMouth xidiga uu muranka badan ka taagan yahay Joel Matip kulanka ku celiska ah ee wareega sadexaad ee tartanka FA Cup xili ay wali taagan tahay doodii ka dhexeysay xidigaan xulka Senegal iyo xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA.

Xidigaha Liverpool ayaa ka duulay garoonka John Lennon Airport goordhaweyd laakin xidigaan ayaanan raacin iyadoo wali kooxdiisa aysan heysan wax cad oo ku aadan hadii uu u ciyaari karo xidigaan iyo hadii kale.

Liverpool ayaana wax cadeyn ah ka helin xiriika kubada cagta aduunka iyo kan Senegal waxayna dooda ka taagan tahay markii uu xidigaan sheegay inuu usaga fariistay waajibaadka xulka qarankiisa Senegal isagoo ku calaacalay inuusan qarankiisa matalin ilaa sanadii 2015.

FIFA ayaa jimcada ka fariisan doonta arinka Matip iyadoo laga yaabo iney xidigaan ku soo oogaan dacwad taasoo hadii lagu helo u diidi doonta xidigaan inuu u ciyaaro kooxdiisa lix ilaa sideed kulan.