Kooxda Lyon Oo Dalabkii Saddexaad Ka Gudbisay Xidiga Old Traffrod Ku Dhibtoonaya Ee Memphis Depay Iyo Waqtiga La Filayo In Heshiiskiisa La Dhamaystiri Doono.

Manchester United ayaa kooxda Lyon ka diiday laba dalab oo ay ka soo gudbisay xidiga kooxdeeda ku dhibtoonaya ee Memphis Depay , laakiin kooxda ree France ayaan ka quusan saxiixa xidiga xulka qaranka Holland ee Depay kaas oo ay wakiiladiisa kala heshiisay mushaarka uu kooxdeeda ka qaadan doono iyo muddada uu la joogi doono balse waxay markii saddexaad soo gudbisay dalab ay suurtogal tahay in uu soo gabagabayn doono waayihii xumaa ee uu Depay ku soo qaatay Man United.

Kooxda Lyon ayaa Manchester United u dirtay dalabkii saddexaad oo ku qiimaysan £14.75  milyan gini kaas oo ay ku doonayso Memphis Depay laakii dalabkan ayaa wali ka hooseeya qiimaha ay Red Devils ku doonaysay 22 jirkan oo ah 20 milyan oo gini. Balse wargaysyada England oo ka mid yahay Daily Mail ayaa ku waramay in usbuuc dhamaadkan ay suurtogal tahay in Depay uu ku biiri doono kooxda Lyon.

Memphis Depay ayaa ogolaaday in uu ku biiro Lyon isaga oo doonaya in uu dib u dhiso waayihiisii ciyaareed ee Old Traffrod ku curyaamay laakiin Manchester United ayaa go’aan kama danbays ah ka gaadhi doonta haddii ay Depay u oglaan doonto in uu ku biiro Lyon. Red Devils ayaa ka walwalsan in Depay uu kooxdeeda baaqi ku sii ahaado iyada oo Lyon ay waqti xaadirkan tahay kooxda kaliya ee dalab rasmi ah ka soo gudbisay.